Header Ads

FIKRADO GANACSI

FIKRADO GANACSI OO SHAQEYNAYA






Dhibaatadda shaqo la'aanta waxa kowaad ee xalin karaa waa in la sameeyo ganacsiyo badan oo loo shaqo tago.Sidaasey  tahay waxa fiican in la sameeyo fikraddo aan suuqa aad ugu jirin si uu ganacsigu unoqdo mid faaiido badan. Maanta waxaan idiin soo diyaariney  3 fikradood oo ganacsi oo shaqeynaya haddii la sameeyo, waana kuwan:
1. MEHERADDA IIBISA AGABKA CUNTADA
Alaabaha dhanaan ama macaan ee cuntadda dusha lagaga darsado ama la hoos mariyo sida jaamka iyo shigniyadda midabadda lahi waa wax dadku jecel yihiin iney iibsadaan.Markaa haddii la sameeyo meherad loogu hagaago oo laga iibsado waa fikrad fiican.


2.QORIDDA BUUGAAGTA CILMI BAADHISTA
waxa jira dhalinyarro badan oo wax baratey oo aan shaqo aheynin laakiin haddii ay ukuur galaan arrin oo cilmi baadhis ku sameeyaan, dabadeed macluumaadkey cilmi baadhista ka ururiyeen aybuug ka qoraan, ay dhici laheyd in dad badan oo ubaahan  buug cilmi baadhisa iney iibsan lahaayeen, buugta cilmi baadhistana laga jeclaan lahaa kuwa kale.

3.BEERTA NASASHADA

Waayaha nolosha oo batey iyo guryaheenoo yara cidhiidhiya darteed haddii la sameeyo beer yar oo cagaaran oo dadku ku nafisaan aadbey ushaqeynaysaa. Imminka haddii qofku is yidhaahdo dibadda jawi kusoo qaado waxa dalkeena laga helaa uun meel lagu cunteeyo sida cafeteria. Beerta Nasashadda wey ka kharesh yartey Cafeteria haddii qofka sameynayaa uu helo dhulbanaan uu ku beero caws cagaaran iyo dhawr geed.












Mahadsanid Akhriste maqaalkan la wadaag asxaabtaada si looga faaiideysto.

No comments

Powered by Blogger.