FIKRADO GANACSI
Ganacsigu waa iibinta adeeg ama alaab xalisa dhibka bulshada.Ganacsigu waa sida qof ama dhawr qofi usamaysato shaqo iyagoo aaminsan inayshaqo la'aanta iska saari karaan.Maanta waxaan idiin soo diyaariyey 4 fikradood, waana kuwan:-
1.Xarunta shaqaalaha farshaxanka:
Waxa jira dad badan oo wax sawiridda ku fiican kuwaas oo barigii hore iyo imminkaba ah kuwa ganacsiyadda uxayaysiiya alaabtooda ee yagu usawira si farshaxan ah alaabta meheradaha.Sidaas darteed haddii xarun loogu hagaago loo sameeyo, oo qofkii in wax loo sawira ubaahaniba uu lasoo xidhiidhi karo waxa dhici laheyd inay suuq badan heli lahaayeen sida madbacadaha xayaysiiska.
2.Xarunta Nadiifinta xafiisyada:
Xafiis kasta qof ama dhawr qof ayaa nadaafadiisa ku qorran, sidaas aawadeed haddii xafiisyada loo diyaariyo adeeg ka jaban kharashka ku baxa nadaafadda xafiisyada imminka, waa fikrada fiican oo aad loo soo dhaweeyo.
3.Ku dalbashada cuntada si online:
Dad badan baa jecel cuntada in loo soo kariyo oo ay helaan meel ay ka dalbadaan, sidaas darteed haddii dhawr qof oo cunto karrinta ku fiican laysku keeno oo cuntooyinka ay kariyaana loo xayaysiiyo oo Facebook page loo soo dhigo,dad badan baa ka dalban lahaa cuntada facebook waqti xaadirkaasba. Fikradani aad bey ujaban tahay waayo looma baahna mudalab, looma baahna kuraas badan, looma baahna meel weyn, ee waxa kaliya oo loo baahan yahay waa dhawr shaqaale, meel yar oo cuntadda lagu sameeyo iyo cid internetka ku fiican oo macaamiisha la xidhiidha.
4.Xarunta maryo maydhida
Waxa jira dad si shakhsi shakhsi ah dharka umaydha, taasi waxay dhib ku tahay macaamiisha oo qofkiiba lacag badan baa dharkiisa loogu meydhaa.Sidaas darteed haddii xarun nadiif ah oo dharka dadka loogu meydho la sameeyo, qiimahana laga jabiyo intuu imminka yahay, macaamiil badan ayey fikradani heli lahayd.
Mahadsanid Akhriste.
La wadaag maqaalka asxaabtaada haddii aad ka heshay oo aad u aragto inuu ku anfacayo.
No comments