Header Ads

WARQAD KU SOCOTA DADKAYGA.



Waxaan dareemaa iney ifarxad galiyaan waxaan idin farxad galin,inaan daneeyo waxaydaan daneyn, inaan jecelahay waxeydaan jeclayn.Waxaan dareemaa iney farxadda ugu badan aan dadka ka helo, waxaan jecelahay dadka gaar ahaan dadkayga, taasi waxay keentay inaan ka fekero ficiladooda oo su'aalo maskaxdayda raadeeya aan iska weydiiyo sida maxay dadkaygu ujecelyihiin waxay xiiseeyaan inka badan waxa dan ugu jirto, maxay ugu mashquulsanyihiin ka sheekaynta wax dantooda ka fog. muxuu isku waafiqi waayey waxey doonayaan iyo waxay qabanayaan? Ka jawaabidda su'aalahaas yadoon lay  ogeyn, yadoo la wada seexday waxay iga dhigtay inaan fiirsi ama daraasad aan la ogeyn ku sameeyo ficiladda dadka igu hareeraysan, qoraaladda iyo muuqaaladda dadka baraha bulshadda igula jira.Waxaan ogaadey in dadku xiiseeyaan ka sheekaynta waxaan dan ugu jirin si dadka kale ay ugu dhawaadaan oo loo jeclaado, taasina waxay inaga dhigtay dad aan dantooda jeclayn.Anigu majecli dantaydoo qudha ee laakiin waxaan kaloo jecelahay inaan arko dadkaygoo  dantooda ku foogan, markaan arko dadkaygoo jecel waxa mustaqbalkooda anfacaya, dadkaygoo idareensiiya inay yihiin waxaan u arko  ee aaney yagu isku arag.

Waxa laga yaabaa inaad maqasho canaano badan oo dadka yar ee qurbaha tegay ama buugta iyo caqliga la saaxiibka ahi ay dusha inaga huwinayaan.laakiin taasi waxbay inoomay tarin aan ka aheyn iney qiimihii aynu jinsiyadda  Soamaali  uqabnay disho oo aynu qurba joog iyo filim matale iska wada dhigno.Waxay  inaga dhigtay dad ku dayda dhaqamada kale si uu qof walba iskaga dhigo ilbax, ilbaxnimadiisa ku cadeeya inuu ulabisto sida C.Ronaldo ama makeupka umarsado sida Priyank Chopra. Dharkeena iyo labiskeenu maaha waxa laynagu canaananayo ee laynagu leeyahay dunidaan ka hadheen waayo haddii dharku dadka reebo Gandhi  oo laba maro oo cad  cad xidhan jirey  ayaan ku guuleysteen inuu xoreeyo Hindiya oo ah dalka 2aad ee dunidda ugu dadka badan. Haddii dharka iyo ku mashquulidda waxaad xidhanayso ay ka turjumaan ilbaxnimadda qofka Steve Jobs, oo ahaa aasaasaha shirkadda weyn ee Apple ee aan moobiladeena ku faano, ayaan ku guuleysteen in loo arko qofkii isbadelka ku sameeyey moobiladda iyo electronics.Steve Jobs  wuxuu waqtigiisa oo dhan ku qaatey xidhashada surwaal yar oo jeemis ah iyo garamad yaroo dig ah. Anigu idin ma canaananayo laakiin waxaan idin leeyahay waxaan idinka dhex arkaa heybado aydaan iska dhex arag, Waan idiin arkaa inaad noqon kartaan dad rajo fiican u abuura caruurtooda iyo dadkooda, dad ay kasoo bixi karaan ingineero khatar ah oo dhismayaashooda iyo dhisaynaday sameeyaan ugu yaraan Afrika laga mashiirto, saynisyahano wax ikhtiraaca,halabuurayaal ganacsi,Computer Scientist iyo qoraayo buugtooda loo turjumo luuqado badan.waxaan arkaa inaad heysataan fursado qaaliya oon dunidda yaalin  sida dal wada muslim ah, dal meel waliba banaan  tahay oo ay ubaahan tahay inaad buuxisaan oo aad ku mashquushaan, dal wada firaaqo ah, internet aad wax walba ka baran kartaan.Qofka ku jeceli maaha qofka kugu maaweeliya waxaad xiiseyso ee aan danta kuu laheyn laakiin waa qofka kuu sheega waxa dantaadu ku jirto xataa hadaanad xiiso iyo hididiilo uhaynin.

Mahadsanid Akhriste.
Kala Soco maqaalo kale halkan maalin walba.La wadaag maqaalkan asxaabtaada Facebook.

No comments

Powered by Blogger.