Header Ads

WAX KA BARO JEFF BEZOS













Jeff Bezos waa hal abuure ganacsi,waa computer Scientist, waa ninka 2aad ee dunidda ugu taajirsan,waana aasaasaha iyo gudoomiya ugu sareeya ee shirkadda weyn ee Amazon.com. Jeff Bezoz wuxuu dhashay 1964, wuxuuna yaraantiisii jeclaa computerka taas oo sababtay inuu jaamacadda qaato fiilka Computer Science. Jeff Bezos Markuu 30 jir ahaa wuxuu ka tagay shirkadii uu ka shaqaynayey oo uu  lacag badan ka qaadan jirrey, wuxuuna go’aansadey inuu sameeyo shirkadd online wax lagu iibiyo.Wuxuu ku bilaabey ku iibinta buugta Online waxaaney gaadhey heer imminka wax kasta lagu iibiyo sida moobiladda,dharka,fadhiyadda iyo iwm. Jeff Bezos wuxuu kasoo bilaabey shirkadda seero ilaa heer ay imminka marayso inay ushaqeeyaan 110,000, macaamiishiisuna ay kor udhaafeen 300 milyan.

Waxyaabaha Jeff Bezos haybadiisa kobciyey waxa ka mid ah:-

1.Hogaamiye Ganacsi:
Hogaaminta boqol iyo toban kun oo qof si ay shaqadoodu umidho dhasho waa karti ka mid ah waxyaabaha Jeff Bezos ganacsigiisa kobciyey, taas oo uu ku hellay abaalmarin.
2.Lahaanshaha Dad uu ku daydo
Jeff Bezos wuxuu leeyahay dad uu ku daydo oo uu hiigsado dadkaasna waxa ka mid ahaa Thomas Edison.
3.Dhaqan galinta Fikradaha
Jeff Bezos wuxuu sheegay inay fududahay in fikrad fiicani maskaxdaada kusoo dhacdo laakiin dhaqan galinteedu ay adagtahay.Sidaas darteed wuxuu isku dayaa inuu noqdo dadka yar ee fikirkooda dhaqan galiya.
4.Samee waxaad jeceshahay.
Jeff Bezos wuxuu jeclaa Computerka iyo inuu noqdo hal abuure ganacsi, waana sababtuu usameeyey shirkad la xidhiidha wuxuu jeclaa.

La wadaag maqaalkan asxaabtaada FaceBook ama What'sApp ka.

Mahadsanid Akhriste.

No comments

Powered by Blogger.