Header Ads

WAX KA BARO BUUGA "RICH DAD POOR DAD"

 Buuga caanka ah ee "Rich Dad Poor Dad" wuxu ka mid yahay buugaagta loogu jecelyahay, looguna iibka badan yahay oo inka badan 26 milyan oo copy baa laga sameeyey.Buugan macluumaadka ku jiraa waa qaar muhiima oo wax kaa baraya lacagta iyo sida loo isticmaalo, waa kuwan shan cashar oo aad ka baran karto buugan:
1.Dadka faqiiriinta ahi waxay ushaqeeyaan lacagta
Dadka faqiiriinta ah waxay ushageeyaan lacagta.Yacnii dadka faqiiriinta ah hawl adag bay qabtaan si ay lacag uhelaan, lacagtaasna asaasiyaadka noloshuunbay ku dabaraan.Dadka faqiiriinta ah lacagtay helaanba wey isticmaalaan oo dhigaal maleh.
2.kuwa taajiriinta ahna lacagtaa ushaqaysa
Dadka taajiriinta ah lacagtaa ushaqaysa, oo lacagtooda ayaa lacag kale udhasha.Dadka taajiriinta ah lacagtay helaan way maalgaliyaan oo waxay ku iibsadaan shay hadhaw lacagtan gashay iyo inkabadan ay ka helayaan sida dadka lacagtay helaanba guryo ku dhista, dabadeed guryahaas lacagtii  la galiyey inka badan ayaa lagu iibsanayaa.Amaba kirro joogto ah ayaa lagu kireynayaa.
3.Kala Baro Asset iyo Liability.
Laga yaabaa in asset si kale lagu qeexo buugta economy laakiin buugani wuxuu ku qeexayaa:-
asset waa waxa jeebkaaga lacag kusoo kordhiya, ee lacag kuu dhala sida baabuurkaagii oo aad kireyso iwm.
Liability waa waxa lacagta jeebkaaga dhima ee aad lacagta ku bixiso sida gaadhiga aad wadato oo mushaharkaagii dhimaya markaad shidaal u iibisaba.
4.Assetka badso
Dadka taajiriintu waxay badsadaan Assetka,oo waxay iibsadaan waxyaabo lacag bil walba ama sannad walba jeebkooda kusoo kordhinaya.Haddaba,Si aad taajir unoqoto badso Assetka oo lacagtaad heshaba ku iibso wax lacag jeebkaaga kusoo daraya.
5.Liabilityga dhin
Dadka faqiiriinta ah lacagtay helaanba waxay ku iibsadaan alaab lacagtii jeebkooda cunaysa sida lahaanshaha moobilo badan oo mid walba lacag lagu shubayo.

Hadaad muuqaalkan ka heshay oo aad wax ka baratay  la wadaag asxaabtaada.
Mahadsanid Akhriste.
Lasoco maqaaladda Danbe.

No comments

Powered by Blogger.