Header Ads

SIDEE LOO SAMEYSTAA SHAQO?


Dhallinyaro badan ayaa garan la' waxay qabtaan sababo shaqo la'aan wadanka ka jirta awgeed.Haddaba maanta waxaan idin la wadaagayaa maqaal kaa caawin kara inaad samaysato shaqo, taas oo dhici karta inay mustaqbalka noqoto shaqo weyn. Shan tan Qodob waa sidaad shaqo ku sameysan karto, waxaanay kala yihiin:-
1. Ka samee shaqo isku darka waxyaabaha aad xiisayso, waxaad ku wanaagsan tahay iyo xalinta dhib bulshada ka jirta oo si weyn kuu taabatay, bulshadda kalana dhib ku haysa. Isku darka saddexdaasi waa sida ugu wanaagsan ee aad ku heli karto fikrad ganacsi oo aad shaqo ka dhigato.
Tusaale:
Wiil baa wuxuu jeclaa oo uu xiisayn jirray inuu luuqadaha ajaanibka barto, heer wuxuu gaadhay inuu hellay sirta lagu baran karo luuqad si yar oo fudud, kadib wuxuu sameeyey koorsooyin muuqaala oo ka kooban 5 luuqadood  wuxuuna ubixiyey "5 luuqadood 3 bilood ku baro". Dadkiina fikirkiisa aad bay uga heleen maadaama dad badan oo usafra wadamo kala duwan dhib ay  ka haysatay inay luuqado cusub bartaan.Wiilka shaqadiisu waa inuu iibiyo muuqaalo dadka ka caawinaya inay luuqad cusub bartaan.
2.Markaad hesho fikrad, is weydii dhaqaalaha ugu yar ee aad ku abuuri karto. Maadaama aanay dhalinyaradda jeebkoodu aanu buurnayn, waxa wanaagsan inaad wax yar ku bilowdo, oo aad marba sii weynayso.Fikraddu maadaama ay ka timid waxaad jeceshahay way kuu fududaanaysaa inaad usabirto.
3.Intaa kadib ganacsiga udhig si aqoonaysan oo udiyaari Qorshe, sida sameynta qorshe ganacsi iyo  isweydiinta macaamiisha iibsanaysa adeegaaga ama wax soosaarkaaga.
4.Raadi cidii kula shaqayn lahayd, maaha cid aad saaxiib la tahay uun, laakiin qof ama laba qof oo marwalba kula garabtaagan inaad fikradaada ka midho dhaliso.
5.Ficil qaad, oo bilow shaqadaada.

Mahadsanid Akhriste.
La wadaag asxaabtaada si ay uhelaan xogtan.

1 comment:

  1. Sidee Loo Sameystaa Shaqo? - 2Doon >>>>> Download Now

    >>>>> Download Full

    Sidee Loo Sameystaa Shaqo? - 2Doon >>>>> Download LINK

    >>>>> Download Now

    Sidee Loo Sameystaa Shaqo? - 2Doon >>>>> Download Full

    >>>>> Download LINK

    ReplyDelete

Powered by Blogger.