Header Ads

WARQAD KU SOCOTA DUMARKA.





Dumarka waa mid ka mid  ah labada jinsi ee binu aadamku yahay.Waxay ku jiraan daladda Alle SW uu ku sheegay inuu karaameeyey, dumarku waa qofka leh xubinta ugu qaalisan, xaga Allena laga jecelyahay ee makaanka loo yaqaano.Xubintaas oo isku keenta laba biyood Alle sokadii, suurta galisana iney biyihii kobcaan, oo koraan ilaa biyihii qof isku badellaan.
Sidaasey tahay dumar badan oo bulshadeena ama caalamka ku nooli ma yaqaanaan qiimahooda, qaar waxay ku daaleen iska dhig dhigidda waxaaney aheyn oo ah rag,qaarna waxay aamineen inaaney waxba aheyn.Kuwa uhalgama iska dhig dhigidda raga waxaan leeyahay Raga iyo dumarku waa sida laba qof oo midina yahay dhakhtar weyn oo daweeya dadka xanuusta oo dhan, daryeel buuxana ufidiya bukaanka. Qofka kalena yahay Engineer weyn oo bulshadda usameeya  gawaadhida, moobiladda ama guryaha ay ku noolaan lahaayeen ee ay ku nafisi lahaayeen, si ay dadku ufarxaan.Labadaa qof haddii lagu mashquulo dhakhtarkaa fiican iyo Engineerkaa fiican micno ma sameynayso ee muhiimaddu waa inuu mid waliba dareemo inuu bulshadda qiimo uleeyahay oo uu meel fiican ubuuxiyo.Sidaas oo kale micno ma sameynayso in waqti badan la siiyo isbarbardhiga raga iyo dumarka ee waa in la tix galiyo mid waliba kaalinta weyn ee uu bulshadda ubuuxiyo, iyo iney yihiin laba qof oo isdhameystira laakiin aanu tartan ka dhaxeyn.

Kuwa dumarkeenu ubadan yihiin ee isku arka inaaney qiimo lahayn oo ay hooseeyaana waxaan leeyahay waxaad tihiin wershadda binu aadamka, halka laga barto casharadda kowaad ee nolosha sida waxa khaldan iyo waxa saxan.Hadii aad isku aragtaan inaydaan qiimo badan bulshadda ugu fadhiyin micnaheedu waxa weeye waxaad tarbiyadeysaan, ee aad dhashaana qiimo mayeelanayaan.
website aan booqdeyd "https://www.fastcompany.com/3045740/the-best-and-worst-countries-to-be-a-mother" ayaa waxa lagu sheegay in hooyooyinka jinsiyadda  soomaalidu ay  ku jiraan liiska hooyooyinka ugu xun aduunka.Markaad intaa maqasho ha cadhoon,hana odhan "waa beentood" laakiin bal isweydii maxay inamadda hooyooyinkeenu unoqdeen qaar badankoodu balwadeystayaal yihiin, qaar shaqo neceb oo aan reerahooda dabarin, qaar surinkaad ka wareegtaba maqaaxi fadhiya oo waqtigooda ku lumiya maqaaxidaas?" Intaas oo su'aalood waa waxa ku tusaya in dhib xaga tarbiyadaa jirto? Markaa ma runbaa oo dumarkeenaa xun?
Jawaabtu waa maya, laakiin dumarkeenu aadbey isku yasaan, qiimahooda ma yaqaanaan,qaar kamid ahi wiilashooda ma galiyaan waqti badan oo ay wax ugu sheegaan oo ay ugu tusaaleeyaan qiimuhu wiilkeedu leedahay waayo waxay u aragtaa inuu nin yahay oo uu ka sareeyo ama ka caqli badan yahay yadeedan dhashay.taasina waa dhibaatadda ugu weyn ee ina heysata.

Qeybta danbe la soco.
La wadaag maqaalkan asxaabtaada baraha bulshadda ee facebook ama what'sApp.
Mahadsanid Akhriste.

No comments

Powered by Blogger.