Header Ads

WAX KA BARO BILL GATE




Bill gate waa ninka adduunka ugu taajirsan wuxuuna jagadaa ku jirray 20 sano, taajirnimadaasuun maaha waxaa jira waxyaabo uu ku gaadhay halkaas.Wuxuu aad ujeclaa markuu yaraa Computer ka, computerka oo waqtigaas aad qaali u ahaa, adkaydna inay dadkoo dhani wada fahmaan.Computerka wuxuu ku isticmaali jirray iskuulkiisa oo hal computer lahaa, isagaa isbarray sida computerka loo programmiyo, markaasuu  ku fikirray inuu computerka ka dhigo wax jaban oo ay fududahay inay cid waliba isticmaasho. Jaamacadiibuu iskaga tagay si uu riyadaa urumeeyo.markuu ahaa 20 jir wuxuu aasaasey shirkadda weyn ee Microsoft ee ilaa imminka jirta.Wuxuu 10 sano oo aanu maalinna nasan ka shaqaynayey siduu softwares usameeyo isaga iyo saaxiibkii iyo shaqaalihii ugu horeeyey uu shaqo galiyo. wuxuu sameystay erey qeexa halkuu doonayo inuu gaadho ereygaas oo ah"Guri kasta waa in Computerka lagu isticmaalo".Sanaddo badan ka dib wuu gaadhay hadafkaas.

Maxaan ka baranay Bill Gate

  1. Qof 20 jir ahi inuu wax walba uu samayn karaa.
  2. Dadaalku inuu ku anfacayo, 10 sano ayaanu maalinna ka fasax qaadan shaqadiisa.
  3. Jaamacaddu maaha meesha mustaqbalkaaga qaabaysa ee waxa mustaqbalkaaga dhisi karaa waa adiga uun, adaanay kugu xidhan tahay sidaad masuuliyad iskaga saarto ee aad wax isku barto.
  4. Qofku wuxuu jecelyahay  kama daalo, inkastoo Billgate dad badani niyad jabiyeenn oo ay caruur u arki jireen, haddana jacayl wuu uhayey computerka ayuu kaga gudbay carqallad kasta.
La wadaag asxaabtaada si ay udhiiri galiso waxna uga bartaan Billgate.
Mahadsanid Kun jeer.
La soco maqaaladda danbe.

2 comments:

  1. Wax Ka Baro Bill Gate - 2Doon >>>>> Download Now

    >>>>> Download Full

    Wax Ka Baro Bill Gate - 2Doon >>>>> Download LINK

    >>>>> Download Now

    Wax Ka Baro Bill Gate - 2Doon >>>>> Download Full

    >>>>> Download LINK

    ReplyDelete

Powered by Blogger.