Header Ads

CASHARADDA NOLOSHA




Labadii sano ee udambeeyey waxaan aad ugu mashquulsanaa akhrinta buugaagta laga qorray ganacsii abuurka iyo horumarinta shakhsiyadda qofka ee ay qoreen qorayaasha adduunka buugaagtooda loogu jecelyahay sida Robert Kiyosaki, Tim Ferris iyo Napolean Hill iyo muuqaaladda laga sameeyey dadka dunidda raadeeyey.Hal buug oo aan aad uga hellayna  (THINK AND GROW RICH) waxaan ka sameeyey buug yar oo 50 page oo koobsanaya macnihii guud ee buuga cutubadiisii oo Somali ah.Intaas oo buug waxa jirra cashar ay noloshu ibartay oo aan buugtaa ka dhex waayey kaas oo ah dadku waa muraayadda aad naftaada ka dhex aragto, haddii aanad dareemin xataa waxay kuu saameeyaan si dad ban.Waa tan sheeko yar oo noloshayda ka hadlaysa iyo siday dadku uyihiin muraayadda aad naftaada ka dhex aragto:-
Mahada wax kastaa Alle ayey unoqonaysaa.Dugsiga sare ee boodhinka sheekh markaan bilaabay  anoo isu yaqaana qof  madax adag oo caajis ah, se ardaydii, macalimiintii iyo maamulkii waxay idareensiiyeen inaan ahay:
1.Qof dul qaad badan
2.Bulshaawiyadda
3.Qof daacad ah
4.Doodi karta
5.Hogaamintana ku fiican
Markii kowaad ee aan iskuulka bilaabay waxa diiqad igaliyey saacadahaan seexan jirray beryihii hore iyo kuwa ay ahayd inaan seexdo maalin walba.Iskuulka ka hor waxaan seexan jirray 10 saac, iskuulkii markaan gallayna waqtigii hurdadaydu wuxuu iskugu soo uruuray 5-6 saac. Haddana waxyaabaha igu dhiiriyey nolosha waxa ka mid ah ereyadda dhiirigalin ta leh ee ardaydii iyo macalimiintii igu sifeyn jireen yagoon is ogayn.Taasi waxay igu sameysay saameyn weyn oo aan isweydiiyo waa maxay dhaqankan wanaagsan ee aanad isku aqoon  ee aad leedahay kaas oo  keenay inaad hesho kalsoonidda dadkan kugu xeeran.
su'aashaasi waxay igaadhsiisay heer ilaa maanta aan naftayda kali waqti badan ku qaato si hibooyinkayga gaar ka ah aan u ogaado, dabeecadaha naftaydana wax badan uga barto.kalsoonidda iyo dhiiri galinta badan ee aan ka hellay ardaydii iyo macalimiintii iskuulka waxay iga dhigtay inaan dareemo in masuuliyaddi iga saaran tahay inaan bulshadayda wax ku celiyo.  Inkastoon wali ardaynimadii ku jiro haddana maskaxdayda kama baxdo xallinta carqaladdo badan oo dadku iyo dalku ku jiro.
Waxaan arkaa xikmado English oo dhallin badani baraha bulshadda soo dhigaan oo ay ka mid yihiin "waligaa dadka hadanayn, dadka lama raali galiyo iwm." Waa run dadka ma raali galin kartid laakiin ma ogtahay sawirka xun ee dadku kugu sheego inaad noqonayso markuu kugu soo noqnoqdo.
Waa run dadka lama qanciyo laakiin dadku saameyn weyn bey noloshaada ka ciyaaraan.markaa maaha in aad dadka iska indho tirto, hadaad aragto dad badan oo khallad kaa tirsanaya ama ku bahdilaya utag oo ku dheh waa maxay dhibtaan kuu geystay. taasi waxay kaa caawinaysaa inaad khaladkaaga barato oo aad saxdo.Ugu danbayn waa kuwan dhawr qodob oo ay dadku kuugu qirayaan waxaad tahay:
1.Dadka ula dhaqan si qof la mid ah oo aan ka wanaagsanayn
2.Jeclaw dadkaaga oo qof walba ixtiraam iyo qadarin sii.
3.Dadka amaan gali oo noloshooda haku mashquulin.
4.Dhawr dadka sirahooda.
5.Ugu sheeg dadka khaladkooda si dahsoon, adoo ixtiraamaya dhibka qofka haysta.
6.Usheeg dadka waxyaabahay ku wanaagsan yihiin, oo dhiiri galli.

Hoosta ku qor faaladda haddii aad wax ku darayso ama  fikir ka duwan aad qabto.

La wadaag maqaalkan asxaabtaada haddii aad ka heshay.
Mahadsanid kun jeer Akhriste
halkan kala soco maqaalo kale maalin kasta.

No comments

Powered by Blogger.