Header Ads

WAANO WAAYEEL








Qodabadani waa qodobyo caalami aha lana ogaadey iney yihiin waxyaabaha keena caqabadaha iyo dhibaatooyinka shakhsi ahaaneed iyo waliba mujtamac ahaaneed
1: jooji inaad u fikirtid sidii anad diyaar aheyn Waxa ku soo marey fursado kuguna dhaafey adigoon diyaar aheyn amaba is lahayn diyaar ma tihid sidaana aaney mardanbe kugu soo noqon , markasta ahow qof diyaar ah . 2: jooji inaad iska dhigto qof anad aheyn. Ha noqon qof nool oo qofkale ku nool noqo qof u noool siduu yahey. 3: jooji inaad martid markasta dariiq yar Dadku badanka waxey maraan hal dariiq oo ah dariiqa fudud waxeyna markasta sameeyaan wax isku mid ah ,mar dariiqyada adag si aad u keentid wax cusub oo horena loo arag . 4: jooji cabashada iyo murugada Nolosha wax ka buuxa caqabado iyo dhibaatooyin badan , noqo qof qabatimey oo aan keenin cudurdaaro iyo cabashooyin. 5:jooji inaad ku eedaysid dadka dhibaatooyin kugu dhacey Markasta qaad masuuliyada naftaada oo cidna haku eedayn dhibaato kugu dhacdey.
6: jooji inaad been ugu sheekaysid naftaada Waxa ugu adag ee la wajaho waa runta markastana isku dey inad runta ugu sheekaysid naftaada tani waxey kaa caawineysaa inaad ogaatid heerka aad taagantahey ,waxaad ku wanaagsantahey iyo waliba waxaad ku liidatid iyo sidii aad naftaada u horumarin laheyd . 7:Jooji inaad ka baxsatid dhibaatooyinkaaga Isku day inaad xel u heshid dhibaato kasta oo ku soo wajahda. Ogsoonowna in aaney jirin qof kale oo kuu xalinaya dhibaatadaada. 8: jooji inaad cidkasta la tartantid . Waxa jira dad kaa hooseeya sidoo kalena qaar kaa sareeya , noloshuna habayaraatee ma bixiso wax abaal -marin ah , waxey abaal marin siisa uun dadka la qabsadey ficilo wanaagsan oo iyagu sameeyaan. 9: jooji inaad wakhti ku lumisid sharaxaada naftaada . Waxkasta oo aad qabaneysid iyo waliba cidda aad tahey wey u muuqdaan qof kasta ,wakhti heyskaga lumin bandhiga iyo sharaxaada naftaada . 10: jooji iney dadka kale ku lug yeeshaan maamulka noloshaada How ogolaan dadka kale iney hogaanka kuu qabtaan ood noqotid qof iyaga ku tiirsan, ka madax-banaanow cidkasta dhegna how dhigin hadaladooda wax kuu yeelaya .
11: jooji inaad wakhti la qaadatid dadka xun-xun. Ka dheerow dadka kula jooga xiliga farxada dhabarkana kuu jeediya wakhtiga dhibaatada wakhtigaagana heys kaga lumin. 12; jooji inaad baahiyahaaaga ka dhigtid xagga danbe. Isku dey inaad heshid waxkasta oo aad u baahantahey tani oo kuu sahleysa helitaanka iyo qabashada waxaad jeceshahay. 13: jooji inaad waxkasta u qabatid sida ugu wanaagsan U qabo waxkasta sida ugu fiican ee aad awoodid wixii awoodaada ka baxsan iskaga tag . 14: jooji inaad marwalba qabatid wax isku eeg Isku day inaad qabatid waxyaabo kala duwan , waxyaabaha isku eegi waxey keenaysa inaad ka caajistid farahana ka qaadid mardhow. 15: jooji inaad sii xasuusatid wixii tagey Haku noolan wax tagey noloshu waa mid soconeysa wakhtiguna sidaa si leeg . La qabso nolosha, wixii cusub soo dhawee. Mahadsanid Akhriste, La wadaag maqaalkan asxaabtaada W/q fahima khadar

No comments

Powered by Blogger.