WAA KUMA HAL-ABUUR GANACSI?
Hal-abuure ganacsi waa qof bartay ama ku dhashay haybado gaar ah sida maamulidda, hal-abuurnimada, karti iyo doonitaanka inuu fikradiisa dadka ka dhaadhiciyo oo uu ubadello ganacsi jira.
YAA NOQON KARA HAL-ABUURE GANACSI?
Ma odhan karro cid walba way noqon kartaa laakiin waxaa noqon karta dadka xiiseeya inay adeegyo cusub, ama alaabo cusub suuqa ka heli lahaayeen, dadka saluuga shay ka mid ah waxyaabaha dadku isticmaalan, dadka jecel inay dhaqaale ahaan isku filnaadaan iyo dadka ku hamiyaya inay shaqo yagu abuurtaan.
YAA KAMIDA HAL-ABUURAYAASHA GANACSI EE DUNIDA SAAMEEYEY?
Hal-abuurayaasha ganacsi waa dad aan iibin shay yagoo ku dayanaya cid kalaa ka taajirtay waxaanay inta badan sameeyaan wax aad uga qiimo badan wax jiri jirray. Qarnigan hal-abuurayaasha ganacsi waa dadka ugu hadal heynta badan waayo fikirkoodu wuxuu gaadhay wadamo badan sida:
1.Mark Zuckerberg: Wiilkii aasaasey facebook isagoo 19jir ah, imminkana ah maamulaha ugu sareeya Facebook.
2.Steve Jobs: Wiilkii aasaasey shirkadda ugu dakhliga badan dunida ee Apple, kana sameeyey xafiiskeedii kowaad gurigooda dhexdiisa isagoo 21 jir ah, wuxuuna dhintay 2011.
3.Jack Ma: Ninkii aasaasey alibaba ahna ninka kowaad ee ugu taajirsan china.
4.Larry page: Mid kamid ah aasaasayaasha Google.
5.Billgate: waa wiilkii aasaasey shirkada weyn ee microsoft isagoo 20 jir ah, ahna imminka ninka kowaad ee dunidda ugu taajirsan.
SIFOOYINKA HAL-ABUURAYAASHA GANACSI?
- Waa dad jecel inay xalliyaan mushaakilaadka bulshada ka jira.
- Waa dad dunida ka eega dhinaca wanaagsan.
- Waa dad aad ugu da'daala, habeenana usoo jeeda inay ka rumeeyaan hadafkooda.
- Waa dad aan ku qancin inay ganacsigooda bariiskuun ama waxay cunayaan uuun ka helaan.
- Waxay leeyihiin riyooyin waaweyn.
- Waa dad jecel shaqadooda iyo ganacsigay abuureen.
La wadaag asxaabtaada ku hamidda inay ganacsi hirgallay abuuraan, noqdaana hal-abuurayaal ganacsi.
Halkan maalin walba kala soco maqaal noocan ah In Sha Allaah.
Mahadsanid Akhriste.
Waadkumahadsantihiin talooyinkaa ganacsiga lkn malaydinka helikaraa buugaagta ganacsiga oo afsoomali kuqoran ?
ReplyDelete