Header Ads

WAX KA BARO J. K. ROWLING




J.k rowling markey yareyd waxey aad u jeclayd qoraalka iyo wax qorista laakiin markey dadeedu ahey 17 jir ayaa waxey ka hadhey iskuulkii ay dhiganaysay muddo ka dibna waxa ka geeriyootey hooyadeed xanuun darteed .
J.k waa ay guursatey waxeyna dhashey gabadh laakiinse waxa ku xumaa odeygeeda taas oo ay muddo yar ka dib isfureen .J.k ma ayhaysan cid iyo ehel caawiya oo wax siiya iyada iyo inanteeda yarba mana laheyn aqoon ay ku shaqeysato waxeyna ku noleyd lacag yar oo ay dowladu bixiso oo aan ku filneyn .J.k waxey is aragtey iney noqotey qof weyn waxna aan heysan waxey isku dayday iney isdisho laakiinse waxey dib ugu noqotey nafteeda markaa waxey ogaatey iney wali wax qaban karto taas oo ah iney wax qorto .J.k waxey wakhtigeedii oo dhan ku qaadan jirtey maqaaxi yar taas oo ay maalin oo dhan wax qori jirtey inanteeda yar iyo iyaduba waxey iibsan jireen hal koob oo coffe ah waayo lacag ku filan mey haysan mararka qaarkoodna waxa wax siin jirey dadka wax ka iibsanaya maqaaxida .J.k markey dhameysay qorida buugeedii hadana waxa carqalad weyn ku noqotey maktabadaha wax daabaca taas oo u diidey iney u daabacaan buugeeda waayo buugedu wuxuu ku saabsanaa caruurta taas oo ay lahaayeen yaa akhriya buugaagta caruurta .haseyeeshee, ugu danbeyntii waa loo daabacay buugeedii kowaad kaas oo ah HARRY POTTER ,shirkadaha Hollywood Ka dhigeen filimyada ugu caansan ee ay caruurtu jilaan. taasina waxay yada ka dhigtey midka mid ah dumarka ugu taajirsan uguna caansan aduunka iyo waliba caalamka qoraalka taas oo buugaagteeda aad looga iibsado, kuna guulesatay jaaiisado caalami ah,shaashadaha aduunyadana aad looga daawado filmyada laga sameeyey buugaagtay qortay.

J.k waxe lagu diidey buugaagteedii markey daabacaysay waayo waxey ku saabsanaayeen caruurta laakiin maanta waxa laga sameeyey buugaagteedii filimyada aadka uga caansan dunida ee HARRY POTTER. kuwaas oo ku saabsan filimyada caruurtu aadka u jeclyihiin aadkana loo daawado, laguna turjumey luuqado badan.

Mahadsanid Akhriste, Halkan kala soco maqaalo kala duwan halkan, la wadaag asxaabtaada FaceBook.

W/Q Fihiima Khadar


No comments

Powered by Blogger.