KA BARO BILL GATE GANACSI ABUURKA.
Bill Gate waa aasaasaha iyo Chairman ka shirkadda weyn ee Microsoft.Shirkadda wuxuu kasoo bilaabey seeroo ilaa uu kobciyey oo uu ka dhigay shirkad weyn oo ganacsi.Sidaasey tahay waxa jira waxyaabo horseeday inuu ganacsigiisu heer gaadho waxaana ka mid ah:-
1.Waqti Badan Uhur Ganacsigaaga.
Mudadii uu Billgate ahaa 20-30 jir maalina kamuu rawixin shaqadda, wuxuuna shaqayn jirray saacaddo badan, time table ka shaqadiisuna aad buu ubadnaa.
2.Waxba Dib Haw Dhigan.
Mudadii uu iskuulka ka dhigan jirray wuxuu badanaa ku faani jirray layliska waxaan ka shaqeeya saacadda udanbaysa, siduu sheegay dib udhigashadda hawsha maanta barri waa mid aad uxun oo uu da'daal badan galiyey siduu iskaga dayn lahaa.
3.Wax Qiimo leh Suuqa kusoo Kordhi.
Si aad ugu niyad samaato hawlahaaga maalin laha ah uguna faraxsanaato hawshaad qabanayso suuqa ganacsiga wax qiimo leh kusoo kordhi oo aad uhan weynaato.
4.Jeclaw Shaqadaada
Ganacsigaagu waa shaqadaada.Jeclaanshaha hirgalinta fikirkaaga ganacsi waa mid aad umuhiim ah waana mid kuu horseedaya inaad uheelanaato.
5.Umuuji Dadka Inay Dhab Kaa Tahay.
Billgate maadaama uu markii kowaad uu shirkadda bilaabey ahaa 20 jir, Dadku inuu kaftamayo ayey u arkayeen laakiin wuxuu dadka tusay oo uu umuujiyey iney ka dhab tahay.Dadka waaweyni inta badan dadka yaryar uma yaqaanaan inay wax sameyn karaan, laakiin umuujinta dadka inaad waxan garanayso oo ay dhab kaa tahay waa muhiim.
La wadaag maqaalkan asxaabtaada Facebook, haddii aad ka heshay.
Mahadsanid Akhriste.
Lasoco maqaaladda soo socda.
No comments