AAWAY SHAQADII RIYADAADU?
Dad badan oo inaga mid ahi maka helaan dalkeena shaqo farxad galisa oo ay ku niyad samaadaan, sidaasay tahay arrintani waxay ka mid tahay sababaha dhalinyarro badani utahriibaan iyagoo shaqo heysta.Haddaba hadaad ka mid tahay dadkaas, marna haka niyad jabin inaad naftaada barato oo kali waqti badan isku qaadato ood isweydiiso waa maxay talow shaqadda aan tebayo ee aan jeclaan lahaa inaan ka shaqeeyo anoo ku niyadsan oo aad ugu qanacsan waxaan qabanayo.
Steve Jobs (aasaasihii Apple) ayaa laga hayey "dadku waxay jecelyihiin ayey dunidda ku baddeli karaan".Wuxuu kaloo yiidhi "Ujeedkaygu maaha inaan noqdo ninka adduunka ugu lacagta badan laakiin waa inaan habeen walba ku seexdo niyad samaan iyo anoo dareemaya inaan maanta qabtay shaqo wanaagsan".
Haddaba ma u aragtaa in shaqooyinka dalka ka jira ay yihiin qaar aanad ku niyad sameyn, oo aad ka niyad jabsan tahay ka shaqayntooda.Hadday sidaa tahay malaa waxaad ku fiicnaan lahayd inaad noqoto ganacsade abuura fikrad ganacsi oo cusub.
Haddii aad garan la'dahay jawaabta kugu kaliftay inaad shaqo necbaato, baro naftaada oo daraasee waxyaabaha aad xiiseyso,sababtaad uxiiseyso iyo haddii la heli lahaa dad kula xiiseeya siday unoqon lahayd waxaad xiisayso shaqo laga shaqeeyo.
Tusaale:-
Anigu waxaan jecelahay akhrinta iyo daraaseynta hal abuurka ganacsiga, waxaan dareemaa haddii dad badani ku fiicnaadaan ganacsi abuurka in shaqo la'aanta laga baxayo, in fikraddo cusub lasoo kordhinayo, in ikhtiraacayaal cusubi inaga soo baxayaan, sidaas darteed baan Han-Abuur usameeyey.
Mahadsanid Akhriste. La wadaag maqaalkan Asxaabta Facebook.
Ku Soo Dhawoow Han-Abuur, oo Maalinwalba kala soco maqaalo Cusub.
No comments