Header Ads

MA JECESHAHAY IN SHAQADDA LAGU DALACO?







Shaqaaluhu waa dadka shirkadda ama ururkay  ka shaqeeyaan kor uqaadi kara ee fikrado cusub iyo talooyin  qiimo leh  la wadaagi kara maamulahooda.Halkan maanta waxaan idiinku soo gudbinayaa  saddex sifo oo qofka lagu dalacsiin karro oo aan ka wariyey ganacsade weyn oo mareykan ah oo layidhaahdo patrick.
1.Qaabka hab fikireedka Shaqaalaha
Marka shaqaalaha iyo maamulku kulmo, shaqaalaha inta badan mawduuca  maamuluhu ka hadlayo ee ah shaqooyinka a loo baahan yahay in la qabto kaga jawaaba hadalo cadeynaya in waxqabadkaas la sameyn karro, sida loo qaban karro iyo waxa loo baahan yahay in shaqadaa la hirgaliyo  waa kuwa inta badan la dallaco. 
2.Shaqaale hawl karka ah.
Shaqaalaha inta badan hawl karka ah ee aan shaqadooda ka caajisin, waxa loo tixgaliyaa iney mustaqbalka shirkadda ama ururka ufiican yihiin.taasi waxay keentaa in shaqaalahaas laga dhaweysto shaqaalaha kale oo xataa haddii ay shaqo kale usoo baxdo lama sii daayo.
3.Kor uqaad aqoontaada
Qofka shaqaalaha ah waxa marwalba uwanaagsan inuu wax badan kasii barto fiilka uu ku shaqeeyo si haddii hawl adag oo fiilkaas ku saabsani timaado uu isagu uqabto ee aan cid kale loo doonin. Qofka shaqaalaha ah ee loo arko in aqoontiisu ka sareyso halkii maalintii uu yimi waxa lagu maamuusaa dalacsiin.
Markaa ugu yaraan laba buug ka akhri fiilkaad ku shaqayso sanadkii.

Mahadsanid Akhriste.
Haddii aad maqaalkan ka heshay la wadaag asxaabtaada.

No comments

Powered by Blogger.