KA BARO STEVE JOBS
Steve Jobs waa aasaasaha shirkadda weyn ee Apple. Steve Jobs waxa lagu mashiirtaa haybaduu uleeyahay suuq geynta, taas oo keentay in shirkadda Apple ay ka dhex muuqato dunidda, noqotana shirkadda ugu dakhliga badan shirkadaha jira.Steve Jobs wuxuu adeegsan jirey farsamo aad uheer sareysa oo lagu suuq geeyo ganacsiga, Kuwani waa dhawr qodob oo muujinaya farsamooyinkuu Steve Jobs shirkada Apple magaceeda kor ugu qaadey:
1.suuq geyntu waxay ila tahay sheegidda ama soo bandhigidda qiimaha shirkadaadu ku fadhido, sidaas darteed maadaama duniddu buuq tahay, waxaad ubaahan tahay fursad aad dadka uga dhaadhiciso wuxuu utaaganahay ganacsigaagu.
2. ugu horeyn waa in ay kuu cadaato waxaad doonayso in lagaa ogaado, oo lagaa barto.
3. Sumadda ganacsigaaga ka dhig mid aad uwanaagsan oo humaaga shirkadaada lagu xasuusto marka la arko. sidaasay tahay sumadaadu waxay ubaahan tahay daryeel iyo in maal galin badan lagu sameeyo.
Markaan leeyahay sumad kastoo wanaagsani waxay ubaahan tahay maal galin iyo daryeel, kama wado inaad tidhaahdo, waxaanu iibinaa alaabta ugu wanaagsan, adeegayagu waa dhakhso ee laakiin waa in aad dadka usheegto adeegaagu ama alaabtaadu qiimuhuu noloshooda ku darayo. Teeda kale qofka adeegaaga iibsanayaa waa inuu dareemo qiimo gaar ah markuu shirkadaada ama ganacsigaaga wax ka iibsanayo tusaale shirkadda Apple qofka alaabteeda iibsadaa wuxuu dareemaa qof yara ilbax ah ama lacag heysta.Sidaas darteed ayey dad badan Iphoneka u iibsadaan yagoon aqoon sida loo isticmaalo si ay ugu muuqdaan qof lacag heysta ama ilbax ah oo dunidda la socda.
Mahadsanid Akhriste, la wadaag maqaalkan asxaabtaada.
No comments