TALLODAY BIXIYAAN HA-ABUURAYAASHA GANACSIGA .
Aasaasida iyo kobcinta fikrad ganacsi waa hawl adag oo qof ama koox karaan adag uun ay ka bixi karto.Sidaasay tahay waxa fiican dhallinta ama ciddaba la timaada hal abuurka ganacsi in la dhiiri galliyo oo ay helaan tallooyin kaa caawinaya inay ganacsigooda sii waddaan. Waa kuwan 5 tallo oo hal-abuurayaasha ganacsiga ugu saameynta badan ay bixiyaan:-
1. Haka baqan inaad khasaarto.
Haddaad ku khasaarto ganacsigaaga kowaad maaha macnaheedu inaad guul daraysatay ee waxay kuu caddaynaysaa inaad wax isku dayday.Khasaaraha kusoo gaadhayna wuxuu ku barayaa inaad istaagtay oo socodkii libinta ganacsigaaga aad baranayso. Haddaad iska fadhiyi lahayd manaad khasaarteen, manaad guulaysateen. Khasaaraha waxa laga bartaa casharro degdeg ah oo aanad waligaa iskuulka ka barateen.Dhib kuma jirto inaad fekradda 1aad badesho laakiin muhiimaddu waa inaad baratay maxaa shaqayn kara iyo maxaan shaqaynayn.
2.Joogto uhawl gal.
Waxa jirta qaaciido la yidhaahdo toban kun oo saac, oo macnaheedu yahay qofku wuxuu wax aad ugu wanaagsanaadaa markuu toban kun oo saac ka shaqeeyo, markaa joogtee shaqadaada si aad ugaadho tobanka kun ee saac ee aad qalin jabis ku noqonayso hawshaad qabanayso.
3.Wax Baro.
Markaad ganacsi abuurtu macnaheedu maaha ganacsiguun ka shaqee, laakiin waa inaad waqti wax barataa.Imminka adaaba wax is barri kara adoo casharro kasta internetka kala soconaya. Muhiimaddu waa inaad waqti siiso waxaad baranayso.
4.Hadafkaaga Ku Soco.
Waxaa muhiim ah in ganacsigaagu hadaf lahaado, oo aad kaa ku socota, laakiin haddaad marwalba daba socoto tartamayaashaada oo aad keento waxay keenaan, ma gaadhaysid meel kuu qalanta.
5.Lahaw Hiigsi iyo Himilo Fog.
Ka billaw ganacsigaaga wax yar laakiin lahaw hiigsi iyo himilo fog.Maalin walba aad soo kacdana ku feker maxaad ku kordhisaa ganacsigaaga.
No comments