SHAN WERSHADOOD OO DALKA LAGA HIRGALIN KARRO
Sidaynu kawada warhayno wax kastaaba dalka dibadiisa inooga yimaadaan, markaa way wanaagsantahay in la sameeyo wershadda yar yar oo ka qayb qaata waxsoosaarka dalka. Kuwani waa Shan wershadood oo dalka laga hirgalin karro:
1.Wershadda Caagadaha Samaysa
Waxaa jira alaabooyin la miismiiso oo looga soo dajiyo caagado dibadda sida malabka, ayskiriimka, sharaabka la safaariyeeyo iwm. Markaa waa fikrad fiican in la keeno dalka wershad caagadahaa samysa.
2. Wershadda qalabka caruurtu ku ciyaarta samaysa.
Qalabka caruurtu ku ciyaarto waa alaabta loogu iibka badan yahay xilliga iidaha.Waliba imminkana waxa jira iskuulo caruurta lagu tarbiyadeeyo oo aad u iibsada qalabkaas. Sidaa aawadeed waa wershad shaqaynaysa haddii ay soo saarta caruusadda yar yar oo udhigan muuqaaladda sheekooyinka dhaqankeenna sida araweelo, dhag-dheer, cigaal shidaad iwm.
3.Wershadda Galka Moobiladda.
Dadku siday ubadan yihiin ilaa xoolo dhaqatadu imminka waxay isticmaashaa moobiladda gacanta, galka yar ee moobiladda lagu qurxiyaana waxa laga soo dhoofiyaa dalka dibadiisa, haddii la hirgaliyo wershad yar oo samaysa galalka moobiladda waa fikrad fiican oo waliba aan kharash aad ubadan ubaahnayn. Si wershadda alaabteedu uga duwanaato kuwa dibadda waxa fiican in loo nashqadeeyo si farshaxansan oo inaga turjumaysa sida gal calanka Somaliland ah, mid Somaliya, Mid Djibouti, mid dhiilo ku sawiran tahay iwm.
4. Wershadda Shandadaha
Beryahan danbe dhallinyaradda, caruurta iyo shaqaalaha xafiisyadaba aad bay u isticmaalaan shandadaha garabka la sudho ee buugaagta, qalabka lagu ciyaaro ama lagu shaqeeyaba. Markaa waxay umuuqataa in loo baahan yahay in inagu samaysano shandadaheenna.
5.Wershadda Garamaanta.
Shirkaddaha waaweyn, ururadda iyo xisbiyadda qarankuba waxyaabahay bulshadda alaabtooda, fikirkooda iyo adeegoodaba ku tusi karaan waxa kamid ah garamaanta kaladhka leh oo ay ku dhajisan yihiin xayaysiiskoodu. Xilligan doorashadda Somaliland soo dhawdahayna waliba aad bay suuq uyeelanayaan.
La wadaag maqaalkan asxaabtaada, si ay ugu xidhnaadaan maqaaladda shabakadan ay soo qorto.
Mahadsanid Akhriste
Halkan maalin walba kala soco maqaalo ku anfici doona.
No comments