Header Ads

5 FIKRADOOD OO GANACSI OO AAD SAMEYN KARTO



Maadaama ay jirto shaqo la'aan baahsani sida ugu haboon ee aad uga qayb qaadan karto dhimista shaqo la'aanta, naftaadana aad ushaqaalaysiin lahayd waa inaad ganacsi cusub abuurto. Shan fikradood oo cusub oo dalka laga hirgalin karro:-

1.Wershad yar oo sameysa bulukaatiga.
 Bulukaatigu waa mid ka mid ah alaabta ay dumarku ugu isticmaalka badan yihiin oo immika lagaga maarmay dahabkii. Haddii la sameeyo wershad yar oo usamaysa bulukaatiga si farshaxaysan waa hubaal inay suuq badan hellayso. Sidaan xog ku hellayna wershadaasi wey jabantahay haddii laga dirsado Hindiya ama China.
2. Iskuulka Xirfadaha Gaar ka ah Lagu barto.
Waxyaabaha shaqo la'aanta keena waxa ka mid ah dadka xirfadaha leh ee ubartay si aqoonaysan oo inagu yar. Sidaa darteed in la helo meel lagu bartay xirfadaha sida mechanic,Sawir le,Dawaarlayaal cajiib ah ama  nijaarle looxa guryo ka samayn kara iwm.
3. Wershad dharka tosha
Dharkaynu xidhano inta ugu badan dibadaa laga soo dhoofiyaa waxaanay utolan yihiin siyaabo aynaan ku wada qanci karin oo mararka qaar dhaqankeena ka baxsan gaar ahaan dharka dumarka, sidaa darteed waa fikrad suuq badan hellaysa haddii la keeno wershad dharka sameysa.

4.Xarunta shaqaalaha Wareega
Waxaa jira shaqaale badan oo aanay jirrin meel loogu hagaago haddii deg-deg loogu baahdo sida rinjiilayaasha guryaha yar yar, gaardiyaanka, xisaabiyayaasha meheradaha, macalimiinta caruurta guryaha ugu dhiga. Markaa way fiicnaan lahayd xarun in la sameeyo loogu tago oo laga helo mar walba.
5. Shirkadda Adeegyada ICT
Waxaa jira dhallin yaro badan oo ICT dhammaysay oo bilaa shaqo ah haddii ay isku imaadaan waxay samayn karaan shirkad ganacsi oo ganacsatada bakhaaradda, dukaamada, isbaadh baadhlayaasha  udiyaariya excel ufududeeya  xisaab xidhka meheradahooda. Waxay kalay  sameyn karaan Loogooyinka ganacsiga, database loo diyaariyo iskuuladda iyo goobaha ganacsigaba.

No comments

Powered by Blogger.