WAX KA BARO MARK ZUCKERBERG
Mark Zuckerberg waa aasaasaha iyo gudoomiyaha ugu sareeya ee shirkadda weyn ee FaceBook.Marck Zuckerberg wuxuu aasaasey FaceBook 2004 isagoo 19 jir ah, imminkana waa 33 jir, waana qofka 5aad ee dunidda ugu taajirsan.Mark Zuckerberg waxa lagu tiriyaa mid ka mid ah dadka ugu saameynta badan dunidda maadaama adeegiisa ay isticmaalaan 2.1 bilyan oo qof, oo udhiganta 30% dadka dunidda ku nool.Taas macnaheedu waxa weeye tobankii qof ee dunidda joogaba saddex ka mid ahi waxay isticmaalaan Facebook.
Inkasta oo uu Mark Zuckerberg uu jaamacadda aanu dhamaysan haddana wareysiyadda laga qaado waxa ka muuqata aqoontuu uleeyahay ganacsi abuurka, arimaha bulshadda iyo caafimaadkaba.Mark Zuckerberg wuxuu sanadkii akhriyaa ku dhawaad 27 buug waana sababta aqoontiisu ay gaadhsiisey inuu maamulo shirkad ay ka shaqeeyaan in ka badan todoba iyo toban kun oo shaqaale.
MAXAAN KA BARANAY MARK ZUCKERBERG
1.Adoo yar inaad wax walba qabsan karto.
2.Waxbarista naftu waa muhiim adoo xataa ganacsi heysta, waayo aqoontu waxay kobcinaysaa garaadkaaga waxaaney kaa dhigeysaa qof han sare gaadhi karra.
3.Maalin walba wax ku kordhi ganacsigaaga.
4.Ka samee ganacsi waxaad xiiseyso.
5.Hoddan waxaad ku noqonaysaa marba tiradda dadka aad saameyso intey leegtahay.
Facebook hadda waxa ushaqeeya oo uu sameyn muuqata ku leeyahay 17048 oo shaqaale, waxaana isticmaasha 2.1 bilyan oo qof bil walba oo uu sameyn ku leeyahay noloshooda.
La wadaag maqaalkan asxaabtaada FACEBOOK.
Mahadsanid Akhriste.
No comments