SHAQO ABUUR
Shaqo Abuur waa ganacsi abuur.Markaad ufiirsato waxaynu barano iyo shaqooyinkeenu aad iskuma laha.Shaqooyinkeenu way kooban yihiin halka waxaynu baranaa ay badan yihiin oo ay kala duwan yihiin taasina waa sababta barashadda fiilal badan aan looga baahney dalkeena.Haddaba keebaa kuu fudud inaad fiilkaad jeceshahay ka hadho maadaama aanad shaqo ku heli kareyn iyo inaad fiilkaaga barato oo aad noqoto shaqo abuure.Waxa haboon inaad noqoto shaqo abuure ama ganacsade yar oo fiilkiisa tusa dadka inuu anfac leeyahay oo wax lagu qabsan karro.
Inta badan shaqooyinka cid waliba dadkeenna jeceshahay waxa kamid ah siyaasi, siyaasigu waa qof hal dal xuduudiisa ku jira, waa qof utaagan in xil cid laga dajiyo, ama ka werwersan in isaga xilka laga dajio, waa qof ka baqsan in kaalintiisa lagala wareego. Laakiin ganacsi abuuruhu waa qof dal walba usafri kara, aan ka baqsanayn in jagadiisa laga qaado, aan marwalba ka warwersanayn in laga shakiyo safaraduu ubaxo.U abuur naftaada shaqo, noqona badbaadiyaha fiilkiisa.
La wadaag maqaalkan asxaabtaada.
Mahadsanid Akhriste.
No comments