10 SHAY SAMEE KA HOR INTAANAD GANACSI ABUURA NOQON.
Ma jeceshahay waligaa inaanad shaqaale ahaanin?Ma jeceshahay inaad sameyso ganacsi bulshadda baahi kamaqan usoo kordhiya? Ma saluugtaa saacadaha yar ee aad shaqayso oo maku fikirtaa shaqo weyn oo micno badan noloshaada kuu sameysa inaad sameyso? Markaad aragto shaqo la'aanta baahsan ee jirta ma istdhaahdaa ka farxi dad badan oo bilaa shaqo ah oo shaqo u abuur si adna dhaqaale dheeriya kuusoo galo?
Haddey jawaabtaadu tahay haa, mid kamid ah su'aalahaas, waa kuwan 10 shay oo ay tahay inaad sameyso ka hor intaanad ganacsi abuura noqon:-
1.BARO SIDA NAFTAADA LOO DHIIRIGALIYO
Markaad doonayso inaad ganacsi abuura noqoto, xasuusnow in waayo badan oo ka adag shaqaalanimadda iney kusoo wajahayaan, markaa inaad kasugto dadku iney ku dhiirigaliyaan looma baahna. waa inaad barato sida naftaada loo dhiirigliyo ee loogu khasbo shaqadda.
2.DHIGAAL SAMEE
hadaad tahay shaqaale oo aad jeceshahay inaad mustaqbalka xor noqoto oo laguu shaqeeyo dhigaal lacageed samee aad ku bilawdo ganacsigaaga mustaqbalka
3.BARO SIDA WAX LOO IIBIYO
Iibku maaha wax fudud siduu umuuqdo, laakiin waxa loo baahan yahay in qofka aad wax ka iibinayso aad ku qanciso oo waliba usheegto sababta adeegaagu ucaawin doono haddey iibsadaan.
4.LA SHAQEE GANACSI ABUURA CUSUB
Markaad bilawdo inaad la shaqayso qof dhawaanahan ganacsi abuurey waxaad ka baraneysaa rafaadka la maro bilaha ugu horeeya ganacsi kasta, sida loo shaqeeyo waqtiyadda ganacsigu cusub yahay iyo sida go'aamo loo gaadho dhinaca qiimaha alaabta ama adeega.
5.SOO URUURI CINWAANO BADAN
Soo uruuri numberadda ama cinwaanada baraha bulshadda ee aad kala xidhiidhi karto dadka adeegaaga ubaahan, dadka aad maalgalinta ka rabto iyo cidii aad talo iyo tusaale aad ka dooneyso.
La soco qeybta danbe oo aad ka akhrisan doonta 5 shay ee maqaalkan ka dhiman.
Halkan ku xidhnow haddii aad jeceshahay inaad mustaqbalka ganacsade weyn noqoto ama imminkaba aad ganacsade tahay.
Mahadsanid.
No comments