SIDEE LOO AASAASEY ALIBABA?
Jack Ma waa aasaasaha shirkadda Alibaba, isagoo ka sheekaynaya carqaladihii markii kowaad la kulmay iyo marxaladihii ay soo martay shirkadiisu wuxuu yidhi:-
"Laba iyo labaatan sano ka hor ayaan mareykanka tagey waxaan booqdey xarun internetka lagu isticmaalo, waxaa isoo jiidatey internetka, waxaanan ku fikirey inaan sameeyo shirkad internet ah. Intaa kadib kulan baan iskugu yeedhay 24 qof oo asxaabteyda ahaa waxaanan usheegay fikirkayga laakiin 23 kamid ahi waxay iisheegeen in fikradani aaney shaqeyneyn, waxaaney igula taliyeen inaan iska daayo fikradan. Qofkastoo asxaabtayda ka mid ahi wuxuu moodayey inaan been sheegayo waayo xiligaa internetku shiinaha muu soo gaadhin. Dhamaadkii 1996 ayaa internetka lagu xidhay magaalooyin shiinaha kamid ah. Waxaan uyeedhay asxaabteyda si aan utuso internetku inuu wax jiro yahay, waxaan galney internetkii, sawir si aan usoo dajiyo waxaan sugayey saddex saac iyo badh. Asxaabteydii waxay iisheegeen inaaney waxani shaqeyneyn, ana waxaan ku qanciyey iney maanta aad uculustahay laakiin 10 sano kadib sidan uu ka wanaagsanaan doono.
saddexdi sanee hore wax dhaqaalo ahi nagamey soo galin,ganacsiga alibaba aad buu uxumaa, laakiin dhib badan oo aanu usabirrney kadib Alibaba imminka waa shirkadda lixaad ee internetka ugu dakhliga badan oo sanadkii 2016 waxa dakhli soo galay 15.7 bilyyan"
Alibaba waxa ushaqeeya 50,092(Konton kun iyo 92 qof). mulkiilihii usabreyna waxey ka dhigtey ninka 1aad ee shiinaha ugu taajirsan.
Maqaalkan yari wuxuu ku tusayaa sida sabirku wax kasta muhiim ugu yahay iyo intuu qof waliba naftiisa dhiirigaliyo ee aanu cid kale dhiirigalin ka sugin inuu wax ku noqdo.adiga, aniga iyo iyaduba haddii aynu wax walba si fudud ku doono nolosha jaranjarradaynu maanta saaranahay kama gudbeyno.
La wadaag maqaalkan asxaabtaada, si aad udhiirigaliso waxna ay uga ogaadaan xaqiiqadda isbadelka.
Mahadsanid.

No comments