10 SHAY SAMEE KA HOR INTAANAD GANACSI ABUURA NOQON, Q.2AAD.
Maqaalkani wuxuu la socdaa qaybtii hore(http://hanabuur.blogspot.com/2017/10/10-shay-samee-ka-hor-intaanad-ganacsi.html). Waxaan maqaallkan kaga hadli doonaa 5 shay oo lagaa rabo ka hor intaanad ganacsi abuurin:-
6.SAACADO BADAN SHAQEE SANADKA HORE
Shaqee saacado badan sanadka ugu horeeya sida 80 saac wiigiiba.Tani waxay kaa caawineysaa inaan suuqa lagaa qaadin.
7.DARAASAD BADAN IYO INDHO INDHEYN SAMEE, AQOONTAADANA SIYAADI.
Daraasad ku samee nooca ganacsiga aad bilaabeyso, siduu ushaqeeyo, tartamayaasha suuqa kaaga horeeyey iyo waxyaabaha macaamiisha tartamayaashaadu ay ka waayeen iyaga ee aad adigu usoo kordhineyso. Wax badan ka baro nooca ganacsigaaga ee dunidda ka jira si aad heer ugaadho.kordhi aqoontaada ku saabsan sida suuq badan loo helo, sida shaqaalo fiican loo xusho iwm.
8.TAARABUUN SAMEYSO
Samee dad ku dhageysta oo aad kolba usheegto adeegyadaad soo kordhisay, faaiidada iyo qiimahay macaamiisha uleedahay iyo sidey noloshooda wax uga badeli doonto. Kana dhageyso aragtidooda iyo sidey u arkaan adeegaaga.
9.AQOONSO WUXUU GANACSIGAAGU KU WANAAGSAN YAHAY.
Ganacsi waliba waxa jirta meel uu ku wanaagsan yahey oo macaamiishu ku amaanto, markaa isku dey inaad ogaato halkuu ganacsigaagu ku wanaagsan yahey dabadeed xooji halkaas.
10. SAMEE WAXYAABAHA AADKA U ADAG
Inta badan dadku way ka baqaan iney sameeyaan waxyaabaha aaney garaneyn natiijadda kasoo bixi doonta waana sababtaas waxay dadku fikradaha ganacsi ay iskaga daba qaataan. Laakiin ma ogtahay markasta oo aad bad gasho oo aad sameyso wax adag oo aanad garaneyn natiijadda kasoo bixi doonta waa markey badato fursadda aad ku badhaadheyso.
MAHADSANID AKHRISTE, LA WADAAG MAQAALKAN ASXAABTAADA DHAWAANAHAN SHAQOOYIN UGAAR AH SAMEYSANEYSA.

No comments