Header Ads

MAXAYNU ISKUULADDA U AADNAA?

Mawduucani waxaan jeclaystay in aan kaga jawaabo su'aasha maqaalkeena oo ah "Maxay tahey muhiimadda loo' aasaasay in iskuul la'tago intaasoo sanno?"
Sida ila muuqata sabata dugsi loo tagaa waxa weeye:-
# In wax laga barto taariikhdii bi'la aadanka intay soo jireeen dabadeed laga fogaado khaladaadkay ku fashilmeen, lagana qaato isku genynta intay ku wanaagsanaayeen. Tusaale, hadii maanta la'qoro buugaag kusaabsan khasaaraha qaadka iyo dib u'dhaca uu bulshadda ku keenay oo dugsiyadda lagu dhigto buugaagtaas. waxaa dhici karta in dhalin yarta iskuuladda dhiganaysaa intooda badanni ka fogaadaan cunista qaadka, waayo way garanayaan dhibtuu u'keeni karro iyo dadkii ka horeeyayba khasaaraha uu u’geystay noloshooda
# In la barto ikhtiraacaadkii iyo fikradihii iska daba imanayeey ee jiilba jiil u'gudbinaayey si isugeynta fikradaha dadkaa kala dan-dan beeyay midho dhal bulshadda anfaca looga sameeyo .Tusaale, Markii la'bartay cilmiga chemistaryga ee laysku geeyay daraasadihii iyo fikradihii dadkii wax ka bartay chemistaryga ayaa waxaa lasameeyay warshaddo badan oo aad u'anfacay caalamka sida Warshadaha daawooyinka caafimaad soo saara, Ta soo saarta cuntooyinka kala duwan. Warshadahan oo keenay horumar baaxad leh marka la’eego dhinaca caafimaad ka bi’la aadamka, ka cuntadda iyo horumar dhaqaalaba.
# Waxaa loogu tallo gallay in marka waxaas la dhigto in jiilka cusub iyo kuwa i'man doonaana fikirkooda kusoo daraan. Yacnii waxani Quraan iyo xadiis toona maahee waa waxqabadyo iyo fikraddo muhiima oo la'uriyay waana loo baahanyahey in markastoo fikradd lagu soo daro si uu unoqda wax jiil walba la’jaan qaada. Ta labaad hadii fikrad laguu soo jeediyo ama wax sidaa u'qabbo lagu yidhaa in aad odhaahdaada iyo aragtidaada arintaa ku'aadan la’timaadaa soo meesha kuma jirto, tanna waa sidaas oo kale,  markaad dhawr cutub dhigataba in aad fikradaada iyo aragtidaada aad kalaaska la’wadaagtaa waa muhiim.
# In la kasbaddo xirfaddo cusub oo bulshadda u baahantahay inloogu shaqeeyo, qofka ku takhasusayaa xirfadaaana aanu ahayn mid hunguri khaliyaa uu  u’geeyee ee ay noqoto xirfad uu xiiso gaar ah u’hayo oo  wax laga weydiin karo waxna uu kusoo kordhin karro. Qofku inuu xirfaduu ku takhasusey jeclaado waa muhiim si uu ugu adeego bulshadiisa si hagar la’aana.
Mahadsanid Akhriste, la wadaag maqaalkan asxaabtaada sidey ugu darsadaa fikirkooda. Wixii aad ku dareysana "Comment" nooga tag.
Maalin wanaagsan.

No comments

Powered by Blogger.