Header Ads

MA HAWLI KEENTAY MISE HIDO KEENTAY.


Somalidu qofka gabya ee abwaanka ah waxay weydiiyaan ma hawl adiga ku haysatay ayaa kaa keentay inaad gabaydo mise waa hiddo oo waalidkaa Ayaad ka dhaxashay. Dad badani hidaha ayay yidhaahdaan. Imminka sidaa si la mid ah dadka aduunka hal abuurnimada ganacsi iyo wax qabadka kusoo kordhiyaa waxay qaar badan yihiin dad hido uleh wax ikhtiraacidda. Muuqaalo badan waxaan ku daawadey caruur yar yar oo wax walba haysta oo sameeya fikrado cusub, kadibna fikradooda iib geeya oo ganacsi ka dhiga. wax cusub bey sameeyaan waayo waa hido keentay hal abuurnimo ayaa kusoo baxeysa. Inaga dadkeenan jooga waa inaynu samayno hawli keentay hal abuurnimo si xataa ubadka mustaqbalku ay hidahooda ugasho hal abuurnimadu( Waxsoo saarka), waa ineynu noqonaa isbadelke aynu ka rajeyno dadka waaweyn ee ina xukuma ama inagu hareeraysan.
Imminka wadamada Yurub iyo America caruur aan qaan gaadhin ayaa soo saara wax yaabo cusub oo aasaasa shirkado, noqdana madaxda shirkado adduunka ka jira, iyaga wax soo saarku wuxuu la' yahay sida in la gabyaa inoo tahay, oo inaga caruur gabayda sida loo arko ayaa iyagana caruur waxsoo saar cusub samaynaysa loo arkaa.

Ballanteenu waa hawli keentay hal-abuurnimo ganacsi iyo wax qabad.

Mahadsanid.

No comments

Powered by Blogger.