Header Ads

MA TAHAY QALINJABIYE BILAA SHAQO AH.


Haddii aad dhameysey jaamacadda, walina aanad  shaqo helin, maka fikirtey sameysashadda shaqo aad noloshaada ku dabarto, ma dareentey inaaney cid kale ku heelaneyn iney shaqo ku siiso waayo majirto xirfad aad dheertahay kumanaanka qof ee kale ee qalin jabiyey. Ma istidhi ismuuji oo nolshaada dabar intaasoo dhan baa laguugu soo tabcayey, adna aad waxbarashadda ku tabceysay. Haddey jawaabtu tahay  haa waxaan maanta kuu hayaa maqaal ku saabsan fikrado  aad ka sameysan karto shaqo. Akhris wanaagsan:-
1.  Ku samee guriga alaab yar
waxa jira alaabo badan oo guriga lagu sameyn karo sida gacmo iyo qoor yar oo  bulukaatiya,  qalabka caruurtu ku ciyaaraan, cuntooyin gaar ah oo aan suuqa oolin sida chocolate sameys ah  iwm.  Alaabtaada gee meelaha dadka macaamiisha kuu noqon karaa ay iskugu yimaadaan sida iskuuladda, beauty salon iwm.
Ha u arkin waxaan kuu qalmin shaqooyinkan waayo shirkadda weyn ee dunida ku baahdey ee Coca-cola waxa lagu bilaabey sharaab Soda leh oo gacanta lagu sameeyey, markii kowaadna 9 quraadadood oo kaliya ayaa maalintii la iibsan jirey. Wax waliba waa suurtagal ee usabir. laga yaabaa inay kuu noqoto ganacsi weyn oo aad ka taajirto.

2. Iibi alaabta Meheradaha waaweyn
Booqo meherad iibisa alaab fiican , la macmiil oo isbarta ilaa aad iska aamintaan.intaa kadib kasoo iibi alaabteeda asxaabtaada,  dadkaad wax wada baran jirteen, ama ku xayeysii 2DOON-kan si macaamiil badan aad uhesho. 
3.  Samee oo iibi adeeg cusub
Ukuur gal dhibaatooyinka bulshadda heysata oo ka fikir inaad ka sameyso adeeg xalinaaya dhibkaas, intaa kadib udhig si ganacsi oo iibi adeegaas.

No comments

Powered by Blogger.