WAXYAABAHA GANACSIGA KOBCIYA
Hal abuurka ganacsigu wuxuu ka mid yahay waxyaabaha ugu badan ee lagu khasaaro ama aad loogu faaiido.Daraasad laga sameeyey maraykanka waxa la sheegay in boqolkiiba sideetan ganacsiga laga sameeyo maraykanka wuu khasaaro, taasi waxay ku tusaysaa inaaney cid waliba ku guuleysan ganacsiga.Inkastooy sidaa tahay waxaa jira dhawr sababood oo uu ganacsigu ku noqon karo mid kobca oo horumara waxaana ka mid ah:
1. Karti Badan
Hadaad dhagaysato dadka abuurey ganacsiyo aad u guuleystay sida Bill gate waxay kuu sheegayaan in aasaasida shirkad ganacsi aaney fududeyn sidaa darteed waa in aasaasuhu lahaado karti badan oo uu hawl adag ku qaban karo, waa inaanu noqon caajis.Taasi waxay kaa dhigaysaa in shaqaalahaagu kugu daydaan, macaamiishaaduna dareemaan inay dhab shaqaddu kaa tahay.
2.Sabir
Sabirku wuxuu ka mid yahay waxyaabaha nolosha dhibkeeda ka dhiga mid loo adkeysto, waana waxyaabaha udub dhaxaadka u ah ganacsiga.Markasta oo uu qofku usabro ganacsigiisa waa markastay badato fursadda guushiisu.
3. Xiiso iyo Jacayl
Qofka binu aadamka ah maka shaqayn karro shaqo aanu jeclayn oo aanu xiisayneyn .sidaasay tahay inaad jeclaato waxaad qabanayso waa muhiim.Sidaan ka daawaday muuqaaladda laga duubay aasaasihii shirkadda weyn ee Apple (Steve Jobs) wuxuu yidhi" waa inaad jeclaataa waxqabadkaaga iyo ganacsigaaga waayo waxa kusoo wajahaya marxallado adag oo dadka badankeedu isku dhiibaan, haddaad jeceshahay hawshaada isma dhiibayso.
4.Iibinta Wax Qiimo Leh
Adeegaad bixinayso ama alaabtaad iibinayso waa inay aad uga wanaagsantahay waxa suuqa yaala, waa in macaamiishu ay dareemi karto inay alaabtaadu aad utayo sareeyo oo aad tartamayaashaada ka wanaagsan tahay.waxyaabaha aad kaga wanaagsanaan karto tartamayaashaada waxa ka mid ah adoo iibiya alaab ka duwan waxay iibiyaan, ama ka jaban, ama aad uraaciso macaamiishaada adeeg dheeriya.
5.Da'daal Badan
Juhdi badan gali ganacsigaaga , waa inaad qabato maalintiiba hawl aad laba cisho ku qaban lahayd, taasi waxay kaa cawinaysaa inaad 5 sano ku gaadho waxaad 10 sano ku gaadhi lahayd.
La wadaag maqaalkan Asxaabtaada iyo cidaad la jeceshahay inay kula akhriyaan.
Mahadsanid Kun jeer.
La soco maqaaladda Soo socda.
No comments