TALADA MULKIILAHA TWITTER
Jack Dorsey waa aasaasaha iyo maamulaha ugu sarreeya ee shirkadaha Twitter iyo Square. Jack Dorsey waa bilyandheer, waana hoggaamiye ganacsiyeed aad u jecel wax akhriska. Maanta waxa aannu qoraal yar oo kooban ka sameyney mid ka mid ah buugaagta uu soo jeediyey in ay akhriyaan dadka jecel in ay wax ikhtiraacaan ama hal'abuureyaal ganacsi noqdaan.
Jack Dorsey buugga koobaad ee uu innoo ammaanay waa [The Art Spirit]. Buuggan waxa uu ka soo qaatay dhawr qodob ama weedhood oo ku jira. Haddaba inta aynaan u dhaadhicin weedhaha buugga aynnu ogaanno waxa uu ka hadlayo. Buugga [The art Spirit] waxa uu ka hadlayaa hadlayaa fanka loo yaqaan “Art” ama waxa aynnu bulsho ahaan ugu yeedhno farshaxan.
Farshaxannimadu ma aha sawir gacmeedka oo keliya. Waxa ka mid ah farshaxannimada u dhigidda shay si qurxoon oo dadku jeclaan karaan. Shaygaasj waxa uu noqon karaa maro, gaadhi, moobil, alaabadda caafimaadka iyo wax kasta oo la ikhtiraaco oo la rabo inuu soo jiidato indhaha dadweynaha. Waxa aynnu inta badan aragnaa wax kasta oo dadku sameeyaan oo la isticmaalo waa la qurxiyaa oo la xardhaa si uu u noqdo wax soo jiidasho leh.
Tusaale dadka gawaadhida sameeya waa injineero, haddana waad aragtey oo kama maarmaan midabeynta iyo qurxinta gawaadhida. Taasi waxa ay ku tusaysaa in farshaxannimadu tahay habka lagu jecleysiiyo dad wax cusub.
Haddaba, aan doo qaadanno weedhaha uu Jack Dorsey kala soo baxay buugga [The Spirit Art]
Tusaale dadka gawaadhida sameeya waa injineero, haddana waad aragtey oo kama maarmaan midabeynta iyo qurxinta gawaadhida. Taasi waxa ay ku tusaysaa in farshaxannimadu tahay habka lagu jecleysiiyo dad wax cusub.
Haddaba, aan doo qaadanno weedhaha uu Jack Dorsey kala soo baxay buugga [The Spirit Art]
1. Farshaxannimadu marka si fiican loo fahmo waa halbeeg lagu cabbiro haybadaha binu aadamka ee waxiska weydiinta waxyaabaha ku hareeraysan. Qof kasta oo haybad u leh farshaxannimadu waa ikhtiraace awood u leh samaynta wax cusub iyo daryeele jecel in uu dadka wax badan ka ogaado. Waana qof cabbiri kara wax kasta oo qalbigiisa ku jira.
2. Dunida uma joogno in aynnu sameyno waxa uu qof waliba hore u sameeyey iyo noqoshada waxa uu qof waliba hore u noqdey. Dunida uma joogno in aynnu qaadanno oo keliya wixii kuwii loo hanka weynaa ee wax ikhtiraacey ay ka tageen. Waxa ay iyagu sameeyeen waxa uu ka turjumayaa iyaga iyo waxa ay hibo u lahaayeen. Imika waa markaagii inaad isticmaasho haybadaada oo aad sameyso wax ka turjuma hibadaada oo aad dunida dhaxal uga tagto.
3. Ogow wax kasta oo waqti hore dhacay wax buu kaa caawinayaa oo casharro ayaad ka baraneysaa laakiin sidiisa ha u qaadan oo dabada ha haynin.
4. Haka werwerin in aan lagu dhiirrigelin. Ha ka murugoon in gabi ahaanba la naco waxa aad sameyso. Waayo marwalba dadka wax sameeya [wax cusub curiya] waa dad aad u yar oo u fikira si ka duwan sida ay u fikirayaan bulshada kale ee sugaya uun in wax loo sameeyo.
Bahda 2DOON kala soco bogan qoraallo cilmi ah oo ku saabsan ganacsiga
No comments