Header Ads

CALAAMADO MUUJINAYA INAAD HAL-ABUURA GANACSI NOQON KARTO.



Hal-abuurayaasha ganacsi waa dad ufikira inta badan si ka duwan dadka, kuwaas oo layimaada fikrado mararka qaar aan hore ujirin. Hadana hal-abuuraha ganacsi maaha kaliya ka gan fikrad cusub la yimaada, ee sidoo kale waa qofkasta oo ganacsi ka sameeya wax magaalo, dal ama xaafad ka dhinaa. Waxa jira dhawr calaamadood oo muujinaya inaad hal-abuura ganacsi noqon karto waxaaney kala yihiin:-

1. Qoyskiinu waa dad ku dhex jira ganacsiga. Yacnii waalidkaa ama walaaladaa waa qaar ganacsiyo leh, taasina waa sababta aad ganacsiga wax uga taqaano.
2. Waxaad necebtahay dabeecadaha bulshadaadu caadeysatey. Waxaad tahay qof jecel inuu wax kasta isweydiiyo sababta loo sameeyo iyo waxay dadku ugu dhaqmaan sidey iminka udhaqmaan. Taasi waxay kaa dhigtey qof jecel inuu sameeyo wax cusub oo xaliya dhibaha bulshada ka jira ee aaney cidina isku xilqaamin.
4. Waxaad jeceshahay inaad qabato shaqo aan dalka ka jirin.
5.waxaad leedahay kartiyo iyo haybado badan, markaa waxaad aaminsantahay inaad qaban karto waxyaabo badan oo aaney dadku sameyn.

Mention garee qof leh mid kamid ah sifooyinkan. Sidaas si lamid ah 5 sifo keebaad isku aragtey.

2 comments:

  1. Great and that i have a keen present: What Do House Renovations Cost house renovation calgary

    ReplyDelete

Powered by Blogger.