Header Ads

NOQO ISBADEL SAMEEYE.




Waxa dunida jira saddex nooc oo dad ah oo kala ah:-


1. Qof Raadiya Marwalba Hibadiisa kadib shaqo ku hela ama isagu shaqo sameeya ugaar ah.
2. Qof Raadiya shaqo uu qabta uun marka baahi lacageed qabato.
3. Qof aan shaqo raadsan, shaqana sameysan xataa hadii ay baahi lacageed qabato.
Hadii aan qeyb walba si gaar ah usharaxno qeybta kowaad waa dad dunida ku yar laakiin leh saameyn ka badan dadka kale oo dhan. Waa dadka inta badan caanka ah sida Albert Einstein., Albert Einstein wuxuu ahaa saynisyahan ikhtiraacey caqiidooyin iyo theory aad umuhiim ahaa kuwaas oo qeyb laxaadleh ka qaatey horumarka aduunka iyo Technology-ga. Hadal kamid ah xikmadaha dunida Albert Einstein dunida kaga tagay waxa kamid ah " Qofka qiimihiisa waa in lagu cabiro wuxuu dadka kusoo kordhiyey se waa inaan lagu cabirin wuxuu dadka ka helay yacnii qofku waa inuu bulshada wax uqabtaa xataa hadaanu lacag badan ka helayn."
Steve Jobs waa aasaasaha shirkadda Apple, waana mid kamid ah dadka ugu saameynta badan dunida qarnigii 20aa iyo 21aad. Hadal kamid ah xikmadaha uu ka tagay waxa kamid ah " Markaan ahaa 23 waxaan shaqeystey milyan doolar, markaan ahaa 24 waxaan shaqeystey toban milyan oo doolar, Markaan ahaa 25 jir waxaan shaqeystey boqol milyan oo doolar, sidaasay ahayd hadana aniga lacagtu muhiim iimay ahayn maadaama aanan usameyn shirkadda Apple si aan utaajiro.

qeybta labaad waa dadka ugu badan dunida, waxaana lagu magacaabaa dadka loo badan yahay "Average people". Dadkani way shaqaysan karaan hadii shaqo ay fursad shaqo helaan laakiin malaha hami aad udheer aan ka aheyn iney shaqeeyaan si ay noloshooda udabaraan. Da'daalkasta oo ay sameeyaan waa mid ku saleysan iney naftooda dabaraan, baahiyahoodana udhameystiraan.

Qeybta sadexaad waa dadka inta badan aan shaqeysan ee shaxaadka ku nool ama dawarsada. Waa dad hawl neceb, jecelna iney waxay cunaan uun helaan si aaney gaajo ugu dhiman.

Intaas oo nooc oo dad ah, noqo isbadel sameeye, noqona qeybta kowaad si aad uxaliso dhibaha baahsan ee bulshada heysta.


Mahadsanid Akhriste.

No comments

Powered by Blogger.