Header Ads

NOLOSHA HAL-ABUURAHA GANACSI!

Qofku markuu abuuro ganacsi cusub oo aan hore ujirin ama uu abuuro ganacsi ka yara duwan kuwa jira waxa layidhaahdaa hal-abuura ganacsi. Hal-abuura ganacsi in la noqda maaha wax fudud, waaney ka adagtahay inaad dukaan ama bukhaar furato. Waxay ubaahantahay inaad dadka ka dhaadhico adeega ama alaabtaada cusub ee aad soo kordhisey. Waxa laga yaabaa inaad macaamiilba uweydo ganacsigaaga. Sidaas darteed qofka doonaaya inuu hal-abuura ganacsi noqdo waa:-

1. Inuu noqdo qof garwaaqsado ganacsigiisu markuu dakhli soo saari waayo iyo marka kale
2. inuu adkeysi ulahaado dhibaha soo wajaha ganacsigaa uu abuurey.
3.  inuu xasuusto dhibtu  tahay wax laga baxo, oo aan lagu waarin.
4   La wadaag guulahaaga dadka kale si ay kuu xasuusiyaan markaad guuldaradu kusoo gaadho inaad ka bixi karto dhibka ku heysata.

Si aad waxbadan uga ogaato shirkada 2doon booqo website-keeda gaarka ah:
www.2doon.com

No comments

Powered by Blogger.