Header Ads

WAX KA BARO STEVE JOBS


Steve Jobs waa hal abuure ganacsi,waa aasaasihii shirkadda weyn ee Iphone ka samaysa ee Apple.
Steve Jobs waxa soo korsaday laba waalid oo aan ahayn waalidkiisii saxda ahaa, waalidkaasi waxay ahaayeen qaar aan wax badan barran,lacag buurana heysan laakiin wey ku khasbanaayeen iney Steve Jobs wax baraan maadaama ay ka ballan qaadeen hooyadii  iney wiilkeeda waxna barri doonaan, ayna ka dhigan doonaan ilmahoodii.Steve Jobs wuxuu saluugay waxbarashadii jaamacadda, wuxuuna u arkay inaan jaamacaddu uqalmin lacagta badan ee waalidkii laga qaadayo,markaa uu iskaga tegay jaamacadii sanadkii kowaadba.
Steve Jobs wuxuu xiiseyn jirrey electronic, taasi waa waxa ku dhaliyey  inuu aasaaso shirkadda Apple sanadkii 1976 isagoo 21 jir ah.Steve Jobs wuxuu ahaa qof aad uda'daal badan, oo aan nasan oo marwalba ku hawlanaan jirrey kobcinta shirkadiisa taasi waxay ka dhigtay isagoo 23 milyoneer.
Steve Jobs wuxuu dhintay 2011 isagoo 55 jir ah. Steve Jobs wuxuu kaga tagey dunidda saameyn baden sida shirkadda ugu dhaqaalaha baden ee Apple.

Haddaba maxaa Steve Jobs ka caawiyey inuu shirkad weyn dhiso:-
1.Jaceyl.
Steve Jobs aad buu uga hadlaa muhimadda jeclaanshaha waxaad sameynayso, gaar ahaan inaad ganacsi ka samayso waxaad xiisaynayso oo aad jeceshahay. Wuxuu leeyahay xikmaddo baden oo uu kuu sheegaya qofku inuu doorto ka shaqaynta wax aanu marna ka caajisayn oo uu xiiso badan uhayo .
Steve Jobs wuxuu yidh:-"Inaad jeclaato waxaad qabanayso waa muhiim, waayo waxa imanaya waqti adag oo qofkastaa oo aan jeclayn fikirkiisa uu is dhiibayo.
2.Wada Shaqaynta
Wada Shaqayntu waa waxa Kaliya ee ganacsi wanaagsan lagu sameeyo.Kooxdu waxay sameysaa waxaanu qofna kaligii ku gaadhi karrin.Shaqaalaynsiinta koox dad ah oo garaadkeedu sareeyo waa waxa shirkadda guusha uhorseeda.
3.SUUQ GEYNTA.
Steve Jobs wuxuu ku fiicnaa suuq geynta wuxuuna dadka ka dhaadhicin jirray alaabadda shirkadoodu sidey uga wanaagsan tahay waxa suuqa yaala.

La Wadaag maqaalkan Asxaabtaada.

Mahadsanid Akhriste.
La Soco kuwa xiga.


No comments

Powered by Blogger.