KA BARO ELON MUSK GANACSI ABUURKA.
Elon Musk waa Engineer, hal-abuur ganacsi,ikhtiraace iyo Bilyooneer.Waa mid ka mid ah dadka ugu saameynta badan looguna hadal haynta badan yahay, waxa lagu qeexaa qof aad u himilo sareeya oo adkaysi uleh sameynta shirkaddo aanay cidina ku riyoon inay sameyso.
Haddaba Maxaa Elon Musk ka caawiyey inuu shirkaddo badan sameeyo:-
1.Samee Adeeg Dadka Cajabiya.
Markaad ganacsi abuura tahay isku day inaad iibiso alaab ama adeeg dadku jeclaadaan oo tartamayaashaada aad kaga wanaagsan tahay.
2.Wajah Carqallado adag.
Ganacsigu maaha waxay cid waliba samayso, waliba hal abuurka ganacsigu wuu ka dhib badan yahay sameynta waxyaabaha dadkuba sameeyaan.Sidaas aawadeed lahaw adkaysi aad ku wajahdo carqallado badan oo kaa hor imanaya.
3.Dooro Fikrad Ganacsi oo aad jeceshahay.
Qofna kama shaqayn karro waxaanu jeclayn, markaa isku day inaad doorato fikrad ganacsi oo aad jeceshahay oo aad ushaqaynaysa.
4.ADKAYSI YEELO.
Hal-abuurka ganacsigu waa sameynta wax cusub ama shay aad wax ku cusub kusoo kordhisay, sidaas darteed waxaad ubaahantahay inaad u adkaysato haddey ushaqeyn waayaan sidaad fileysay.
5.HORE HAYSKU DHIIBIN
Elon Musk wuxuu ku khasaarey dhawr dayax gacmeed uu cirka udirayey midkiibana lacag badan baa kaga baxdey, waxa la weydiiyey waxan maad iska deysid haddii ay shaqeyn weydey? Markaasu yidhi:-"Waligeyna isma dhiibayo" Markii danbe wuu ku guuleystay inuu dayax gacmeed cirka udiro.
wey fududahay in la yidhaahdo isma dhiibayo laakiin in la hirgaliyaa ma fududa, markaa noqo dadka yar ee aan hore isu dhiibin.
No comments