WAX KA BARO JACK MA
Jack Ma waa aasaasaha iyo gudoomiyaha ugu sareeya ee shirkadda weyn ee Alibaba Group (Alibaba waa shirkadda weyn ee internetka wax lagaga iibsaddo ee uu fadhigeedu yahay dalka china).Jack Ma waa ninka ugu taajirsan chinaha, waana mid ka mid ah dadka ugu saameynta badan internetka. Jack Ma waa nin loo qiri karo inuu adkaysi iyo hal adaygnimo leeyahay maadaama uu nolosha waxyaabo badan ku guuldareystay oo qof waliba isku dhiibi lahaa sida:-
1.Dugsigii hoose wuu dhacay
2.Kii dhexe wuu dhacay
3.10 jeer uu waayey Jaamacadda Harvard.
4.dhawr shaqo waa loo diidey sida askarnimo iyo shirkadda fast food ka ee KFC.
Inkastooy sidaa tahay haddana marna muu ka rajo go'in inuu naftiisa horumariyo.Intaa ka dib wuxuu noqday macalin, macalinimaddana wuxuu ku qaadan jirey lacag aad uyar ilaa uu noqday macalinkii iskuulka uu dhigo ugu wanaagsanaa.Markii uu isku arkey inuu macalinimadda ku wanaagsan yahay ayuu go'aansadey inuu shirkad sameeyo wuxuuna dhisey shirkadda weyn ee Alibaba.Jack Ma shan sano lacag kamuu helin shirkaddiisa laakiin wuu usabray meelo badana lacag buu uga soo amaahdey si uu usii wado fikradiisa Isku soo wada duuboo Jack Ma imminka waa bilyooneer waana mulkiilaha ugu sareeya shirkadda Alibaba.
Jack Ma Ka baro sifooyinkan:-
1.Guuldaraddu waa jaran jaradda lagu gaadho hodantinimadda.
2.Waligaa ha niyad jabin oo ha quusan.
3.Hadaad fikrad cusub la timaado, usabir ilaa ay dadku kula fahmayaan.
Hadaad ka heshay maqaalkan la wadaag asxaabtaada FaceBook.
Mahadsanid Akhriste.
No comments