SIYAASIGA RIYADAYDA
Markaan dareemo oo dhugto in musharixiinta sharaxani aaney micno
weyn sameyneyn haddey helaan madaxnimadda, oo aaney soo kordhinayn isbadel
badan ayaan isweydiiyey waa qof noocee ah siyaasiga riyadaadu ee markuu dalka
qabsado ay niyadu kuu dagi lahayd? dabadeed waxa ii sawirma siyaasiga aan rabo,
waana kan:-
Siyaasiga riyadayda: Dadkaygaw salaamacallaykum, waxa qalbigayga
ku jira iyo wuxuu afkaygu odhan karaa wey kala badan yihiin, laakiin ugu yaraan
wey is waafaqsan yihiin.Qalbigayga waxa ku jira ee fiicnaan lahayd inaan ereyo
micno badan sameeya aan ku sharraxo aad bey ubadan yihiin.Laakiin ugu horreyn
waan idin jecelahay, jaceyl aan idiin qabo aawadeed ayaan idinku fikiraa,
idinkoo ogeyn (Alla i arkee) .
qofbaad aragteen qof jecel oo qof kaliya jaceylkiisa la diran oo
la ildaran, ka warran qofka dad ka dad ka badan 5 milyan oo meelo kale duwan ku
nool jecel oo jaceylku udirey laakiin aan garaneyn siduu wax ugu qaban lahaa.
waxaan ka qiiroodaa markaan arko kumanaan hooyooyin ah oo suuqa xabuub ku
iibinaya oo caruurtoodiina cid utarbiyadaysa aan heysan, oo yagoo dhiban
haddana wiilkeedii noqday ka dadka moobiladda ka qaada, markuu waayey cid
tarbiyadaysa. Inanteedii noqotay ta suuqa meereysanaysa markay weyday cid
ilaalisa oo tarbiyadaysa,hadhawna noqon doonta hooyadda caruur aan anshax
fiicneyn.Waxaaba waxa igaga darran caruurtaanu ku daalno ee nidhaahno
iskuulbaynu geyney ee macalinku aanu kalaaskaba kasoo xaadirin, ama intuu wax
yar uxariiqo, inta kalena usheekeeyo, waxa kasii murugo badan marka jaamacaddu
noqoto meel 4 slide lagu dhigo, oo ardaygii wax dheeraad ah is yidhaa macalinka
weydiina loogu jawaabo adigu intaasuun akhri, intaasaa imtixaanka lagu soo
qaadayaaye.Waa ardey xiisad walba kabo ka dhigatay, wax ay gaar uyaqaanaa aaney
jirin. Waa sida qof lagu yidhi cunto karin baan ku barayaa, oo markii kijadii
la galiyey loo dhigay waa maxay basashu, oo isagii oo aan garanayn waxay
basashu tahay, bariiska haddana lagu boodey, haddana qajiga, hadana xabuubta
......Markii danbana isagoon waxba karin kareyn lagu yidhi waad dhameysay.Bal
haduuu dhameeyey muu wuxuun kariyo yacnii muu wuxuun sameeyo ka mid ah wuxuu
bartey?......Mooyi?
Waxa jira dhibaatooyin badan oo dhinac walba ah, gidaar kasta oo
nolosheena ka mid ah boqolaal jaajuur baa ka maqan. Lama yaabani in
dhibaatooyin farabadani jiraan laakiin waxaan layaabaa inaaney jirin cid
dhibaatooyinkaa xalisa. Anigu iskumaan soo sharraxin in magac doon aan ahay ama
lacagba laakiin markaan dareemay masuuliyadda 5 milyan ee dalka ku noolba, ka
fakarista waayahooda nololeed waxaan u arkay sida kaliya ee aan dadkayga aan
jecelahay noloshooda ubadelli karaa iney tahay inaan isa soo sharraxo oo aan
helo fursad aan dadkayga ugu carbin karro iney buuxiyaan boqolaalkaa jaajuur ee
gidaarka kasta oo nolosheena ah ka dhiman. Anigu ma jecli lacagta dalka laakiin
waxaan jecelahay lacagta dalka inay noqoto dubbe lagu dhiso giidaar kastoo
inaga daloola.Shakhsiyan alaabta binu aadam sameega ahi ima farxad galiso sida
guri. gaadhi iyo passport iyo waxyaabahaas.Aniga waxa ifarxad galiya dadka,
waxaanan aaminsanahay waxa layidhaahdo "Human Resource" yacnii haddii
dadka juhdi badan la galiyo oo waxbarashadooda iyo akhlaaqdooda la dhiso in wax
kastoo binu aadamka kale ee dunidda ku nooli sameeyey wax udhigma inaynu sameyn
karno.Anigu waxaan jecelahay dadka, dadkaa ifarxad galiya, dadkaan ka helaa
dhiirigalin iyo jaceyl, yagaanan udaalayaa doonayaana inaan ka dhigo qaar
mustaqbal fiican leh. dakan aan jecelahay waa idinka, idinkuna waxaad kartaan
in codkiina aad ku badeshaan mustaqbalka ubadkiina, in wax barashadda ubadkiinu
aaney noqon wax maaweelo ah oo aan nolosha lagu dhaqan galin ee ay noqoto wax
qofka wax bartay iyo ka kale isbadel weyn udhaxeeyo, wax qofkii jaamacad
dhameeyey aanu noqon qof aan maareyn karin noloshiisa,.Waxaan ku riyooda ineynu
ka tagno dunidda sadexaad oo noqono dunidda labaad, yacnii dhaqaalaheenu ka
kobco wadamadda faqiir ka ah oo ukobco wadamadda dhexdhexaad ka ah ila rumeeya
riyadaas, ila dareema dhibkiinu inuu anigana dusha iga saaran yahay, in
barwaaqo soorankiinu farxadayda tahay.
Ma yihi Lacag doon, Dadku lacagta waxay ujecel yihiin si ay
alaab ugu soo iibsadaan, alaabtaas oo ah guri weyn ama gaadhi qaaliya si ay
utusaan dadka iney khatar yihiin, ama lacag heystaan, intaasna farxad bay ka
helaan.Anigu waxay farxadaydu ku jirtaa idinka, micno weyn iima sameyso hadaan
sariir ku seexdo iyo hadaan caw ku seexdo, micno weyn iima sameyso inaan maro
qaaliya xidho iyo inaan huudheydh Sh 5000 xidho.Laakiin waxa micno iisameysa in
caruurta barito yidhaahdaan madaxweynihii hore intaanu dalka qabsan ardayda
jaamacaddu 4 slide bey dhigan jireen, waddanku faqiir buu ahaa, tahriibtu wax
caado ah aan laga diirsan buu ahaa, dalkuna wax soosaar muu lahayn. Imminka
waddankeena iskuulo technology ah oo aad ucasriyaa ka furran, wadamadda
waxbarashadda ugu fiicanbaynu ku jirnaa, dhaqaalaheenu 1000% kor ukacay, Alle
khayr hasiiyo madaxweynaheenii hore, janadda ha galiyo, intaas oo ducaa inaan
helo farxad iigu filan dunida, inaan arko dadkoo mustaqbalkoodu ka fican yahay
sidii horana farxad iyo deganaansho an lacagta laga helin iigu filan.
Mahadsanid dhamaantiin.
Waa noocee siyaasiga riyadaadu.
No comments