Header Ads

WAX KA BARO BUUGA "ZERO TO ONE"


Buugani waa mid ka mid ah buugta aadka loo qiimeeyo ee la iibsado, waxa qoray Peter Thiel oo kamid ah aasaasayaashii shirkadda wax lagu kala iibsado ee paypal. Peter Thiel waa hal abuura ganacsi iyo maal galiye, wuxuuna ka mid ahaa maalgaliyayaashii ugu horeeyey ee FaceBook.
Buugan "Zero to one" waa buug micno balaadhan iyo casharro badan ku jiraan, oo cidii kasta ee ganacsiga iney wax ka barato jecel aan ku dhiiri galin lahaa iney akhriyaan.Haddaba haddii aan wax ka tilmaama buugan, buugani wuxuu ka hadlayaa-

  1. Ka samee ganacsi fikrad cusub oo aan hore ujirin,waxaas aad sameyso ha noqdo waxay adagtahay in lagaa dabo sameeyo oo laguugula tartamo.wuxuu tusaale inoogu filan ganacsi fikrad cusub ah oo aan lala  tartami kain Google.
  2. Waa maxay faaiidada fikrad cusub oo aan lala tartami karrin?                                                      Inta badan ganacsiyadda iskuwada midka ah waa wada tartan, taasina waa waxa keena in marba qiimaha wax laga dhimo si qolaba qollo ugu eryato, laakiin fikradda cusub ee aad kaligaa suuqa ku jirto cidina kugula tartami mayso, taasina waxay sababaysaa in dakhli badani kaasoo galo, oo aad qiimaha doonto ugu dhufato.
  3. Guushu Nasiib Kuma Xidhna?                                                                                             Guushu maaha wax nasiib lagu helo, ee waa wax loo tabco, sidaas darteed samee ficilo ku geynaya halkaad usocoto.Dhis mustaqbalkaaga.Dhis mustaqbalkaaga micnaheedu maaha kuwada wanaagsanaw waxaad jaamacadda ama iskuulka dhigato, laakiin waxa weeye hal wax aad ugu wanaagsanaw, heer aad gaadho inaaney cidina kugula tartamayn.
Mahadsanid Akhriste,La wadaag maqaalkan asxaabtaada.

No comments

Powered by Blogger.