Header Ads

FIILKEE KUU QALMA IN AAD QAADATO JAAMACADDA?


Ka xulashadda fiilka kugu haboon jaamacadda fiilalka kale ee jira waa go'aan ama arrin carqaladeeda leh dhakafaarkeeda iyo wer- werkeedana wadata. Waayo doorashaddani waxay la xidhiidha mustaqbalkaago shaqo intaad nooshahay, mana aha wax fudud oo lagu deg-degi karo.
Sidaa aawadeed waxaan u' arkaa ama ay ii’la muuqataa in aad is weydiiso labadan su'aalood:-
1. Maxaan ku wanaagsanahay ama xiiseysaa?
Dugsiga sare markaad dhiganaysay, ma jirtay xiisad ama cutub aad ku wanaagsanayd intii lagu guda jiray dhigashadiisa. Intaa kadib is weydii xiisadee igu weynayd akhrinteedda ama tusaale usoo qaadadkeeda? Haddaanay guud ahaan xiisadihii iskuulka midna aanad tix galin jirrin, ma isleedahay, computer ka iyo technology gaad ku fiicantahey? dib iskugu noqo maanta ilaa iyo yaraantii waxaad ku wanaagsanayd. Kadib markay kuu soo baxdo waxaad ku wanaagsantahey, dib usii qodqod waxaa oo tix raac dhinacaad kaga wanaagsantahey Tusaale, hadduu physicku noqdo waxaad ku fiicnayd barashadiisa , dib ugu noqo cutubadda  physicka oo haddana ka dhex xulo chapter kaad ugu jeclayd hadal hayntiisa ama dhigashadiisa.Intaa markaad samayso, la xidhiidhi cutubkaad jeclayd fiilalka jaamacadda ugu dhaw, tusaale cutubkaad ugu jeclayd haduu masalan noqdo electricity, Ma la' odhan karaa, waxa kugu haboon inaad barato “faculty of electrical Engineering”.
2. Deegaan nooceeya ama meel nooceeya ayaad jeclaan laheyd inaad ka shaqayso?. Tusaale ahaan Ma Warshad iyo alaabo soo saaristood, ma dad buka iyo dhaktar, ma goob xoolaha lagu daaweeyo, oo lagu xanaaneeyo,Ma meel computeradda lagu farsameeyo.Intaas iyo qaar kaloo badani waa meelo kala duwan oo muhiim ay tahey in aad ka dhex doorato in aad kashaqayso. Markaad hesho waxaad ku wanaagsantahey, waa in aad la’ doonataa halkaad ka shaqaynayso ee yadna ku xiiso galinaysa.
3. Haw dooran Fiilkaad dooranayso dadkuba way bartaan ama lacag badan baa laga helaa. Imminka hadaad is tidhaa dhakhtarnimadda waa fiilka ugu caansan ama ugu qaalisan in la'barto oo lacag badan baad ka helaysaa, ma ogtahey waxaanad xiisaynayn markaad dhiganayso niyad uma haysid, markaad ku shaqaynaysana  naftaadu way necbaysanaysaa dadkan iyo goobtan aad ka shaqaynayso, taasi waxay keeni kartaa in macaamiishii dhakhtarkaagu  hoos udhacdo adna cid walba oo kula shaqeysa aad  karahsato. Halkaana khasaaruun baad ka faaiidaysaa iyo farxad la;aan.
4. Isku day in aad ku qanacsanaato waxaad dooratay ee aad jeclaatay. Imminka hadii aad Dooratay daaweynta xoolaha oo siduu xoolihii kuugu baahnaayeen ood mashruucyo badan aad bulshadda u’haysay, dadkaad xoolahooda u' adeegaysayna abaal iyo ajar ku' qabeen hawshaad waddo, u'na hanweynaayeen xirfadaada shaqo, ood ka tagto mar qudha shaqdaadii ood Wasiirka maaliyadda iska noqoto kawarran? Waa khasab ilay waxan xirfad umalihide in cidaad la'shaqaynayso iyo bulshadduba marwalba ku dhaleeceeyaan oo ku eedeeyaan, arrintaasina waxaad kordhisa daaye niyad jab iyo muuqaalkaagi inuu hoos u'dhacay kugu keenaysaa.Jeclaw waxaad ku wanaagsantahey oo daacad u’ahaw inaad ugu adeegto naftaada iyo bulshadaba. Niyadda ku hay in mar walba ay fiilkaaga ka shidantahey, dadka kale waxay doorteen yaanay kugu qancin in ay ku jeclaysiiyaan, ama haw ogolaan inay ku dhahaan wax madhaxaad barataa.Halkaa waxaan ka wadaa haddaad ku faraxsantahey waxaad ku takhasustay subixii waad usoo kalihi, habeenkii xilli danbaad ka rawaxii . Mar walba fikraddo cusub iyo waayo aragnimadaadaad kusoo kordhinaysa. Lana soco waqtigu waa cimrigeena, hadaad maalin walba 10 saac shaqayso muddo 5 sanaa waxay u'dhiganta inaad 10 sano maalin walba 5 saac shaqayso…..
Wixii talo iyo tusaale ah ee ku saabsan qormadan kaga faalood xagga hoose.
Mahadsanid.

No comments

Powered by Blogger.