WAX KA BARO AASAASAHA SNAPCHAT?
Evan Thomas Spiegel waa aasaasaha shirkadda dhalinyaraddu aadka ujeceshahay ee snapchat, waana gudoomiyaha ugu sareeya ee snapchat.Evan Thomas Spiegel wuxuu dhashay June 1990. wuxuu Evan Thomas Spiegel dhigan jirey jaamacadda Standford, taas oo uu ka baxay sanadkii ugu dambeeyey si uu uhorumariyo snapchat oo uu uga dhigo shirkad anfac leh.SnapChat wuxuu aasaasey isagoo 21 jir ah sept 2011. Inkastoo aaney snapchat wax badan jirin hadana mudo yar gudaheed ayey faaiido badan soosaartey, oo magaceedu caan noqdey.
Ebecome billionaire Evan isagoo ka hadlaya sababtuu udiidey inuu shirkadiisa ka iibiyo mulkiilaha Facebook ee MarkZuckerberg wuxuu yidhi: "inkastoo laygu yidhi maxaad u iibin weydey snapchat hadana waan ku adkeysanayaa inaanan iska iibin, waayo aniga micno weyn buu iisameeyaa snapchat.intaa kadib snapchat waxay noqotey mid lacag badan soo xareysa oo aasaasihii shirkadda ka dhigtey Bilyoneer. 2015 Evan Thomas Spiegel waxa loo aqoonsadey bilyooneeraha ugu yar dunida.
Maxaad ka baratey Evan Thomas Spiegel
1. Qofkastoo dhalinyaro ahi wuu sameynkaraa shirkadiisa gaarka ah.
2.Aamin fikradaada, si aad dadka uga dhaadhicin karto, Mulkiilaha facebook markuu dooney inuu Snapchat iibsado wuu ka diidey Evan Thomas Spiegel , waayo wuxuu aaminsanaa fikradiisu iney tahay mid aad ufiican oo isaga qiimo weyn ufadhida.
3.Jaamacaddu maaha halka noloshaada qaabeysa ee guusha ku gaadhsiisa, laakiin qof waliba siduu uda'daalo ee naftiisa wax ubaro ayuu wax ku noqon karaa.
4.La imo fikrad wanaagsan.Evan Thomas Spiegel wuxuu la yimi fikrad wanaagsan oo aad usoo jiidatey dhalinyaradda.
Mahadsanid Akhriste, la wadaag maqaalkan asxaabtaada.
No comments