Header Ads

HAL-ABUURNIMADA GANACSI & AMERICA


Markale iyo qormo kale. Maanta  waxaynu ka hadli doonaa mareykanka iyo sida hal-abuurayaasha ganacsi uhorumariyeen America.Hal-abuurayaasha ganacsi waa qaar sameeya ganacsiyo cusub ama ka dhiga ganacsi jirey hab ka duwan siduu ahaa, gaadhsiiyana dad badan. Hal-abuurayaasha ganacsi ee America waxay gabi ahaanba ka dhigeen America dalka kowaad ee ugu dhaqaalaha badan hadey noqoto casrigii wershadaha iyo casrigan technology-gaba.
America waa dal ka xaroobey ingiriiska sanadkii 1776. Waa wadan jirey 241 sano. Waa dal ka da’ yar wadamo badan oo dunida dawlad madax banana ahaa qarniyo. America waa dal ay soo mareen dagaalo sokeeye. Sidaasey tahay  maxaa America ka dhigey wadanka kowaad ee ugu dhaqaalaha badan dunida? Maxaa ka dhigey wadanka dad badan oo ku noolaa dalal kala duwan iney usoo haajireen si ay dhaqaalahooda kor ugu qaadaan, uguna noolaadaan?
Sidaan muuqaalo iyo qoraalo badan ku arkey America waxa lagu sifeeyaa inuu yahay wadan dadkiisu aaney ka cabsoon guuldaradda, oo inta badan isku daya tijaabooyin badan oo cilmi saynis ama ganacsi. Waa wadan dadka kunooli dhiiri galin ka helaan marba dadkii ka horeeyey ee intaas oo tijaabo sameeyey, ee ugu danbeyntii guuleystey sida Thomas Edison.  Waa kuwan qaar ka mid ah waxyaabaha America ka dhigey wadan ka tilmaaman dunida:-
1.Dawladihii hore ee mareykanku waxay tijaabiyeen in ganacsiga iyo suuqiisa ay gacanta ku hayaan oo ay dawladu maamusho, taasi waxay noqotey tijaabo aan shaqeyneyn kadib markey dawladdu ku weydey dhaqaalo badan oo kasoo  galey cashuurta. Tijaabadaas ay dawladu ku khasaartey waxay keentey in ganacsigu xor noqdo oo ay hal-abuurayaasha ganacsi ay ganacsiyadoodu wataan.
2. America dadka ay taariikhdooda xusaan waxay ubadan yihiin hal-abuurayaal ganacsi oo qaarkood siyaasiyiin ahaayeen sida Henry Ford, Andrew Carnegie, Thomas Edison, Thomas Jefferson, Benjman Franklin iyo George Washington.
3. America casri kasta waxa ukaca hal-abuurayaal cusub. Taasi waxay ka dhigtey dad ilbax ah oo qarni walba kaga qeyb qaata wax cusub, tusaale qarnigii hore ee wershadaha Thomas Edison iyo Henry Ford waxay ahaayeen kuwii ugu cad cadaa, qarnigii 20aad iyo kan 21aad hal-abuurayaasha ganacsi ee aadka ugu cad cad ee reer America waxa kamid ah Steve Jobs oo aasaasey shirkadda technology ee Apple, Bill gate aasaasaha shirkadda Microsoft , Mark Zuckerberg oo ah aasaasaha iyo gudoomiyaha ugu sareeya ee FaceBook,  Larry page oo ah aasaasaha Google  iyo Jeff Bezos oo ah aasaasaha shirkadda weyn ee internetka wax lagu kala iibsado ee Amazon.com
Maadaama, hal-abuurayaasha ganacsi yihiin qaar halkaas oo dhan ka taagan America oo marwalba dhaqaalaha dalka kor uqaada, talow inaguna haddii aynu noqono hal-abuurayaal ganacsi ma kobcin karnaa dhaqaalaha dalkeena, se miyaaney cashar fiican inoo aheyn in shaqaalanimada ay ka fiicantahay hal-abuurnimada ganacsi.

No comments

Powered by Blogger.