SAYNISKA IYO CAAFIMAADKA
kalmada
Saynis markaad aragtid ama maqashid waxa maskaxdaada kusoo dhacaya muuqaalo aad
u kala duwan sida falgalyo kiimikaad, siduu ushaqeeyo binu-aadamka jidhkoodu iyo
waxyaabo kale oo dhamaantood ka mid ah qaybaha sayniska ,mid kastaana leeyahay cilmigiisa iyo waliba waxqabadkiisa .
WAA
MAXEY SAYNIS?
Saynisku
waa barashada
xaqiqooyin caalami ah oo ku
saabsan waxyaabaha deegaan ahaan inagu wareegaysan ama aynu ka sameysanahay.Saynisku waa barashada xaqiqooyin caalami ahoo dhacey iyo daahfurka qaar cusub, saynisku
waa daahfurka waxyaabo yaala aduunka iyo sidii ay u noqon lahayeeen qaar
faaiido u leh binu aadamka amaba noolaha kale ee aduunka ku nool.saynisku waa
cilmi faaido iyo waxtar aad u balaadhan ku fadhiya layskuna haleyn karo oo loo
isticmaali karo in lagu hormariyo technolojiyada cusub , daaweynta cuduro tiro
badan , dhisida dhismayaal casri ah, sameynta kiimikalo cusub i.w.m.
saynisku
waa cilmi socda oo maalin walba wax lagu
soo daro. Waxaad maalin kasta aragtaa ama maqashaa daahfurka ama ikhtiraacida
waxyaabo cusub oon dunida hore u ooli jirin amaba aan wadanka aad ku nooshahey
ooli jirin taasi oo loo isticmaalo ku qabashada adeeg cusub , taasi waxey
keentaa su'aalo hor leh oo layska weydiinayo fikrado iyo aragtiyo kala duwan oo
kuwajahan saadaalinta mustaqbalka. Arintaasi oo u saamaxdey sayniska inuu
ahaado mid socda oo aan joogsan maalin kastana sii fidaya kuna baahaya dhamaan daafaha dunida.Horumarinta iyo daahfurka shay cusub waxa ka qayb qaadan karaa dhamaan dadka ku
nool aduunka , sidoo kalena akhriste wad ka qayb qaadan kartaa adiguna.
Lasoco qeybta 2aad:
Mahadsanid Akhriste,
W/Q Fahiima Khadar
No comments