Header Ads

WAXYAABAHA LAGU XUSHO SHAQAALAHA FACEBOOK.


Shirkadda facebook waa shirkad da' ahaan yar laakiin aad uweyn  marka laga eego macaamiisheeda iyo dakhliga sanadkii soo gala. Facebook waa shirkada 4aad ee ugu dakhliga badan shirkadaha dunida sida lagu qorey website-ka wax ka qora ganacsiga iyo dhaqaalaha ee.Forbes.Facebook waxay ka weyn tahay oo ka dakhli badan tahay kumanaan shirkadood oo qarniyo jirey yadoo ku bilaabantey website yaroo lagu wada xidhiidho, iminkana noqotey shirkadda iibsata Apps-ga ugu fiican dunida sida What'sApp iyo Instagram.
Hadaba su'aasha qof waliba isweydiiyaa waxey tahay sidee bey ku dhaaftey intaas oo App ama website oo dunida ka jira oo lagu wada xidhiidho? Waxa jira dhawr arimood oo halkaas gaadhsiiyey oo shaqaalaha fiicani ugu horeeyaan. Su'aasha labaad waxey tahay sidee baa loo soo xulaa shaqaalaha facebook? su'aashaas mar la weydiiyey MarkZuckerberg wuxuu kaga jawaabey sidan:
Anigu kuma xusho shaqaalaheyga da'dooda, khibradey leeyihiin iyo iney jaamacad dhameeyeen iyo in kale, waayo aniguba markaan aasaasey shirkadda Facebook maan laheyn khibrad, maan dhameyn jaamacadda, manaan laheyn khibrad oo da'deydu waxey aheyd 19 jir. Sidaas aawadeed waxaan ku xushaa shaqaalaheyga heybadda ay uleeyihiin booska shaqada ee loo xulayo iyo sidey ugu wanaagsan yihiin booska shaqada ee loo dooranayo.

Markaad intaas ogaato waxa kuu soo baxeysa waxa facebook ka dhigey mid caan ah oo leh macaamiil ka badan 2 bilyan mudo yar gudaheed iney tahay xulashada shaqaale  heybadaiyo biliga ku keh shaqada loo dirsanayo. Tusaale wiilka yar ee ku sawiran muuqaalka sare da'diisu waa 17, waana mid kamid ah shaqaalaha facebook. Wiilkan yari muu galin jaamacad markii uu soo dalbadey gudoomiyaha facebook ee Mark Zuckerberg.

Maaha markii kowaad  ee aan ka maqlo hal-abuuraa ganacsi isagoo hadalkaa sheegaya sidaa si ku dhaw waxaan ka qorey Elon Musk isagoo leh:-
" Kuma doorto shaqaalahayga  shahaadaday sitaan, waayo Billgate iyo Steve Jobs-ba ( aasaasayaasha Microsoft & Apple)  mey dhameyn jaamacad hadana qofkasta oo shirkad lihi uu naawili lahaa inuu shaqaaleysiiyo"

Hadaad ka heshay maqaalkan la wadaag asxaabtaada, si ay wax uga bartaan siraha loo xusho shaqaalo wanaagsan.

No comments

Powered by Blogger.