Header Ads

SIDA LOO KORDHIYO TIRADA IIBKA MEHERADAADA



Iibinta alaab badan ama adeeg badan waa hadafka ugu weyn ee shirkad kasta ama meherad kasta. Sidaasey tahay sirta loo kordhiyo tirada iibka meheradaha ama shirkadaha waa xirfad gaar ah oo dad yari yaqaanaan marka loo eego tirada dadka wax iibiya.
Muuqaal sameeye kanadiyaana isagoo sharaxaya sirta loo kordhiyo tirada iibka  ayaa wuxuu yidhi:-
  • Dareensii Macaamiisha inaad Daneyneyso
Ha dareensiin macaamiisha inaad alaabtaada suuq udooneyso, dareensii in adeegaagu baahi udabooli doono, usheeg sidey ugu baahan yihiin alaabtaada iyo macaamiisha iibsatey sidey u amaaneen.
  • Usheeg sidey dareemi doonaan markey isticmaalaan alaabtaada
Binu-aadamku wax kuma iibsadaan wixii caqliyan fiicann ee waxay  iibsadaan wixii iibsadaan wixii dareen wanaagsan usameeya, ama dareen xun ka qaada.
Tusaale shirkadda Coca-Cola marwalba waxey isticmaashaa " dhadhami farxad". Ereyga farxad waa dareenka ugu qaalisan binu-aadamka. Isticmaalidda ereygaasi waa qeyb ka mid ah waxyaabaha ay ku heshay suuq badan.
  • Usamee Macaamiisha Ikhtiyaar
Macaamiisha wey ku adagtahey iney iibsadaan alaab aaney garaneyn tayadeeda, sidaas aawadeed usamee macmiilka ikhtiyaar sida soo booqo xaruntayada oo nala eeg waxaanu kuu heyno iwm.

No comments

Powered by Blogger.