Header Ads

SIDEE LOO HOGAAMIYAA SHAQAALO BADAN?


Hogaamintu waa xirfad la barto, dadka qaarna Alle haybad usiiyey. Hogaamiyuhu maaha uun ka siyaasadda laakiin uhogaaminta shaqaalaha shirkadda ama meheradda si sareysa waa waxyaabaha ganacsiga kor uqaada ee kobciya. Qormada maanta waxaan kusoo qaadan doonaa siduu Steve Jobs oo ahaa aasaasaha iyo hogaamiyihii hore ee shirkadda Apple siduu uhogaamin jirey shaqaalihiisa:-

1.Haku amrin shaqaalahaaga waxey qabanayaan laakiin ka dhaadhicin oo usheeg hadafka ganacsigaaga si ay kuula fahmaan sababta loo qabanayo hawsha maalintaas ama wiigaas la qabanayo.Usheeg shaqaalahaaga halkey usocdaan shirkad ahaan  ama meherad ahan.
2. Marwalba oo hawshu adkaato dhiirigali shaqaalahaaga oo ku dheh intaas oo hawla ayeynu qabaney,  intaasina wey inoo hadhey. marwalba xasuusi in jidka loo socdaa dheer yahay oo ay tahay qof waliba  hawshiisa si hagar li ah inuu uqabto.
3.Hogaamiyuhu ha sameysto jumlad gaaban oo uu ku dhiirigaliyo shaqaalihiisa tusaale Steve Jobs wuxuu ku odhan jirey shaqaalihiisa " Dadka jecel shaqaday qabtaan wey badeli karaan dunida" Jumladaasi waxay ka dhigtey shaqaalihiisa qaar dareema iney dunidda wax cusub kusoo kordhinayaan oo ay hadafka shirkadooda gaadhayaan"
4.Hogaamiyuhu ha noqdo mid tusaale unoqda shaqaalaha oo ushaqeeya hadafkey shirkaddu dajisey. Markastuu hogaamiyuhu tuso shaqaalihiisa hawl karnimo iyo sidey uga go'an tahay isaga iney shirkaddu ama ganacsigu gaadho meel sare, shaqaaluhuna tusaale fiican bey ka dhiganayaan oo wey ku dayanayaan.
Mahadsanid Akhriste, la wadaag maqaalkan asxaabtaada haddii aad ka heshay.

2 comments:

Powered by Blogger.