Header Ads

SHIRKADAHA CAANKA AH IYO FAAIIDADA XAYAYSIISKA



Xayaysiinta ganacsigu waa mid aad udaruuri ah, waana mid ka mid ah tiirarka waaweyn ee  ganacsiga ka dhiga  mid guuleysta.Shirkadaha kala duwan ee dunida ugu caansani waxay lacag badan ku bixiyaan sidii ay magacooda ugu baahin lahaayeen meelo kala duwan  iyo website kala duwan. Markastooy shirkaddu ganacsigeeda xayaysiiso waa markastooy hesho macaamiil badan oo aan hore u aqoon laakiin adeegeeda ubaahnaa. 
Lama  dafiri karo xayaysiisku siduu ganacsiga  uga dhigo mid wax badan laga iibsado oo macaamiil badan leh. 
Waa kuwan qaar kamid ah  shirkaddaha dunida ugu caansan, kharash aad ubadana galiya xayaysiiska:-
1. APPLE 
Shirkadda Appple waa shirkadda caanka ah ee soosaarta moobiladda Iphone. Shirkadda Apple waa shirkadda kowaad ee dunidda ugu dakhliga badan. Sidaasey tahay waxay sanadkii ku kharash gareysaa xayaysiiska lacag ka badan 933 milyan oo doolarka mareykanka ah.
2. NIKE
 Waa shirkad sameysa agabka ciyaaryahanadu isticmaalaan sida kabaha iyo garamaanta. Shirkaddani waxay ku jirtaa shirkadaha dunida oo dhan magacoodu gaadhey.Nike waxay kharash gaadhaya 3 bilyan oo doolarka mareykankaa galisaa xayaysiinta alaabteeda iyo magaceeda.
3.COCA-COLA
Waa shirkada 5aad ee dunida ugu dakhliga badan.Coca-Cola marna ma joojiso xayeysiinta sharaabkeeda si ay marba marka ka danbeysa suuqeedu usii bato.Coca-Cola sharaabkeedu kama wanaagsana sharaabadda kale ee jira laakiin waxay lacag badan oo gaadheysa 3 bilyan ku kharash gareysaa xayaysiinta ganacsigeeda.taasina waxay sharaabkeeda ka dhigtey sharaabka loogu isticmaalka badan yahay.


Saddexdaa shirkadood waxay marag fiican uyihiin xayaysiisku iyo siduu door muhiim a uga qaato horumarka ganacsi kasta.

Mahadsanid Akhriste, la wadaag maqaalkan asxaabtada si ay wax uga bartaan qormadan.



Maqaalkani waa mid macluumaadkiisa lagu kalsoonaan karo waxaana laga soo diyaariyey qeyb kamid ah macluumaadkan website ugu waaweyn ee ganacsiga iyo dhaqaalaha wax ka qora sida 

FORBES IYO BUSINESS INSIDER.



No comments

Powered by Blogger.