Header Ads

SIDUU TECHNOLOGY-gu UBADELLAY GANACSIGA?


Ugu horeyn, ereyga ganacsi aynu isla yara fahano. Ganacsigu waa iibinta alaab ama adeeg qiimo uleh bulshadda. alaabta ama adeega la iibinayo maaha uun cuntada la cuno, dharka iyo guryaha laakiin waa wax kasta oo bulshadda qiimo uleh oo ay bulshaddu ubaahantahay isticmaalkeeda sida adeegyada caafimaadka, ciyaaraha, miidhiyaha iwm.
Technology-gu wuxuu ka dhigay ganacsigii mid gabi ahaanba ka duwan siduu ahaan jirey xaga fudeydka, xaga xuduudaha dalka, xawaaraha uu ku kobcaayo iyo noocyada ganacsi ee laga shaqeynaayo.Technology-gu wuxuu ka dhigey ganacsigii mid bilaa xuduuda oo aan dal kaliya ku eekayn ee dunida kuwada baahsan tusaale shirkadda  Facebook waa shirkada ganacsi oo  technology ah, hadana dalkasta oo dunidda ah ka shaqeysa.
Hadii uu technology-gu sidaa ubadelay ganacsiga ma odhan karnaa waa fursad aynu kawada faaiideysan karno waayo technolohy-gu wuxuu sababey ganacsi lacag jaban, adeeg si deg deg ah ufaafa iyo shaqaale aan isla joogini iney wada shaqeeyaan.
Mahadsanid Akhriste.
La wadaag maqaalkan haddii aad jeclaato iney asxaabtaadu kula akhristaan.
Mahadsanid

No comments

Powered by Blogger.