Header Ads

YAA LAGU SHEEGI KARAA DHALINYARRO?


Dad badan oo waaweyn baan ka maqlaa yagoo isku daraya liiska dhalinyarnimadda.Taasi waa waxa keenay in dadkeenu aanay caqli ahaan korin, waa ta keenta in dad tammar beelay ay inoo taliyaan, kuwii awooda lahaana lagu maaweeliyo dhalin yaraa tihiin,,,
Qolladan United nation waxay yidhaahdaan dhalinyarnimadu waa qofku markuu qaan gaadho ilaa 24 sano markuu jiro, halkaas oo ka timi ninkii psychologist ahaa ee sheegay theory marxalladaha binu aadanka kaas oo dhalinyarnimada ku sheegay qofku markuu qaan gaadho ilaa 8 sano kadib.....
Sidey inoo saameysaysaa in dhallinyarnimadda la dheereeyo?
Qofku inuu isku arko qof masuula xilli hore waxay ka caawisaa inuu ku dhaqmo wixii saxan, naftiisa uu masuul ka noqdo ka hor intaanay fuulin masuuliyadda inuu qoys dhiso, shaqo ka shaqeeyo ama ganacsiba abuuro.
Laakiin inagga markaynu noqonay dad aan dhallinyarnimadda ka gaboobin, waxay inaga dhigtay dad bilaa masuula, ku mashquula wixii xaraabo galinaya oo ubadan waxaan dan u ahayn. Waxay keentay in wiilal badan iyo hablo badan ka baqaan guurka waayo masuuliyadda inay wejahaan bay ka baqayaan. Waxay keentay in dadkeena dhaqaale ahaan isku tiirsanni ay aad uyaraadaan, oo hallkii qofba ee shaqaysta ay in ka baddan 20 qof ay ku tiirsanaadaan......Waxay keentay inqofka 20 kirka ah uu udhaqmo qofka 10 jirkaa, laakiin wuu ku faraxsan yahay ciyaalnimada intaa leeg waayo dadkoo dhan buu wax la qabaa..In aan dhallinyarnimadda laga weynaanini maaha danteena, qofku markuu qaaan gaadho waxa fiican inuu udhaqmo sidii qof weyn, markuu 24 gaadhana uu isku dayo inuu dhaqaale ahaan i isku tiirsanaado, dhibkiisana uu xalliyo oo aanu eedayn waalid ama dawladda.....
Dhibta shakhsi walba ay ku leedahay in dhallinyarnimadda la dheereeyo?
Waxa dhacda in wiilkii ama gabadhii yadoo weyn aanay dhaqaale ahaan iyo masuuliyad ahaanba naftiisa/ nafteeda aanu dabarri karrin laakiin mid waliba uu leeyahay baahiyo ka badan inta waalidkii usameeyo, taasina ay keento in qofkii uu diiqadoodo. In dhallinyarnimadda la dheereeyo oo qofka loo arko inaanu masuul qaadi karin waliba wiilasha waxay saameysaa heer inuu wiilku waalidkii ka fisho inay uguuriyaan..........
Qofku inoogu khatarsani markuu noqdo ka baahiyihiisa aasaasigaa uun daboola, dadka loo badan yahayna ay noqdaan qaar dhibtooda cid kale ku
eedeeya, maxaa inoo naf ah? Yaase inoo maqan?
#Mawduucani waa mid balaadhan laakiin intaas baan maanta ku joojinayaa.
Mahadsanid Akhriste, la wadaag maqaalkan asxaabtaada.

No comments

Powered by Blogger.