Header Ads

SIRAHA KA DANBEEYA GUUSHA COCA-COLA .


Coca-cola waa shirkad weyn oo sharaabka sameysa. Waxa la aasaasey 1886. ayaamihii ugu horeeyey shirkaddu waxay iibin jirtey 9 quraaradood oo sharaaba. Sawiro imminka intey leegtahay? 2010 waxay iibisey shirkaddu hal bilyan iyo badh in ka badan (1, 600 000 000). Dakhliga soo galay Coca-Cola sanadkii 2010, wuxuu ka badnaa 70 bilyan. Lacagtaas oo ka badan  isku geynta dakhliga soo gala sanadkii saddexda wadan ee  Bolivia, Kenya iyo Bahreyn.

Hal shirkad oo aan technology aheyni iney soo xareyso dakhli intaa leeg waa arrin aan fududeyn. haddaba maqaalka maanta wuxuu diiradda saarayaa maxaa ka dhigey shirkadda Coca-Cola mid ka horeysa shirkadaha kale ee sharaabka sameeya? Maxaa ka dhigey shirkad magaceedu uu ka caansan yahey shirkadaha kale?
 Waa kuwan qodobo muujinaya waxyaabaha Coca -cola ka dhigey waxay maanta tahey:

1. Coca-Cola waxey leedahay sumad ganacsi oo aan marba la badelin taas oo shirkado badan oo sameeyaa alaabo kala duwani ay magaceeda ku xayeysiiyaan alaabo kala duwan sida talaagadaha, garamaanta iwm.
2.Shirkadda coca-cola marna kama gaabiso iney jiilkasta la jaan qaado oo marwalba waxay ku  usuuq geysaa ganacsigeeda  halka bulshaddu markaa ugu isticmaalka badan tahay tusaale shirkadda Coca-Cola sidey ugu xayeysiiso ganacsigeeda baraha bulshadda ee internetka waa si farshaxanimo leh, tusaale coca-cola waxey leedahay:

  • Instagram : kaas oo ay ku xidhan yihiin in ka badan milyan qof
  • Youtube channel: kaas oo ay ku xidhan yihiin in ka badan milyan qof
  • Facebook page: kaas oo ay ku xidhan yihiin 106 page
3.Coca Cola waxay isku lamaaneysaa ereyga farxad iyo sharaabkeeda. waxay soo duubtaa muuqaalo dad xiliyadda munaasibadaha farxadda cabaaya sharaabkeeda iyo dad faraxsan oo hadyado iskugu keenaaya sharaabka Coca-Cola.
4.Qiimo Joogto ah.
Shirkadda Coca-Cola si kasta oo ay caan unoqotey, si kastey suuqa ugashey, si kastuu waqtigu isku badelay ma kordhiso qiimaha sharaabkeeda taasi waxay ka dhigtey shirkad alaabteedu qiimo ugo'an yahay.

Maqaaladan noocan ah waxaan uqoraa si dadka jecel iney ganacsigooda abuuraani ay wax uga bartaan waxyaabaha  shirkadaha guuleystey ay sameeyaan ee halkaas gaadhsiiyey.
Mahadsanid Akhriste.

No comments

Powered by Blogger.