Header Ads

MAXAA GANACSIGA KA DHIGAA CAAN?



Ganacsigaagu inuu caan noqdo waxay kaa caawinaysaa inaad hesho dad badan oo adeegaaga ubaahan laakiin aan imminka ku aqoon.Inuu ganacsigaagu caan noqdo waxay kaa caawineysaa inaad shakhsiyan qiimahaagu kor ukaco oo lagu aamino. Haddaba si uu ganacsigaaga magiciisu kor ugu kaco sameyso sumad ganacsi oo ka duwan sumadaha kale.Sumadaha waxa loo qaybiyaa shan nooc o kala ah:
1.Mid qoraala sida Google
2.Mid xarafa sida Coca-Cola
3.Mid sawir gacmeeda oo aan aheyn sawir qof sida  Twitter
4.Mid sawir iyo qoraalba kawada kooban sida NIKE
5.Mid nashqad ah sida Mastercard














Intaas oo sumadood markaad ganacsigaaga mid udoorto, suuq gee sumadaada ganacsi. Sumadaadu waa iney ganacsigaaga oo kaliya uun  lagu xasuusta. 
Sumadda ganacsi kadib, ganacsigaagu waa inuu halheys yar oo la xafidi karo yeesho , halheystaasi waxay ka turjumeysaa adeegaaga ama alaabtaada ama macaamiishaada ama shaqaalahaaga. Tusaale shirkadda Apple waxay hal heys ka dhigatey "THINK DIFFERENT." Ereygaa yaree halheysta u ahi  wuxuu ka turjumayaa  shaqaalaheeda iyo macaamiisheedu  noocey yihiin.  Iyadoo shirkaddu cadeyneysa iney ushaqeeyaan dad ufikira si ka duwan dadka kale oo dhan dadkaas oo usameynaya macaamiisheeda alaab aad uga duwan waxa suuqa yaala. Imminka Apple waa shirkadda ugu dakhliga badan dunidda, alaabtey sameysana aad baa loo iibsadaa, gaar ahaan waxa iibsada dadka magaca leh ama lacagta heysta. qof kastoo alaabtooda iibsadaa wuxuu dareemaa qof dadka ka yar duwan oo qiimo badan leh.
Ugu danbeyn sumadaada ganacsi ka dhig shantaa mid kamid ah, usamee ganacsigaaga halheys ugaar ah oo lagu xasuusto.

Mahadsanid Akhriste, la wadaag maqaalkan asxaabtaada arimaha ganacsiga jecel ama mustaqbalka ku fikiraya iney shirkadooda gaarka ah sameystaan.

No comments

Powered by Blogger.