Header Ads

WAX KA BARO NAVEEN JAIN



Naveen Jain waa hal abuure ganacsi oo ku dhashay dalka hindiya, jinsiyad ahaana kasoo jeeda hindiya.Imminka waa muwaadin mareykan ah oo kamid ah dadka wax kusoo kordhiyey internet-ka.Naveen Jain wuxuu ku korey hindiya, qoyskooduna waxay ahaayeen faqiir, isaguna wuxuu kusoo korey nolol faqiirnimo ah. Naveen Jain wuxuu mareykanka yimi isagoo wax lacag ah heysta $5. Sanado kadib Naveen Jain wuxuu noqdey bilyooneer kadib markuu ka shaqeeyey shirkado dhawr ah, ganacsiyo waaweyn oo uu kamid yahay infospace uu sameeye. InfoSpace waa shirkada abaabuleysa iney dadka udalxiis geyso dayaxa. Sawiro nin yaroo faqiirnimo kusoo korey, dalkiisiina kayimi, inuu noqdey bilyooneer oo uu waliba sameeyey shirkado aan noocooda wali la sameyn. Waa cajiib waana qof cashar laga baran karo, waa kuwan dhawr qodob oo muhiim u ah aniga iyo adigaba oo aan ka qorey Naveen Jain kolaan daawanayey muuqaal laga duubey:
1. Hamigaaga weynee
Naveen jain wuxuu ka gudbey xaalad faqiirnimo oo uu ugudbey  mid bilyooneernimo. wuxuu ku fikirayaa oo uu shirkad usameeyey inuu dadka udalxiis geeyo dayaxa.Taasi waxay ku tusaysaa siduu hamigiisu uweyn yahay. Markuu khudbad jeedinayana  wuxuu ku nuux nuux nuuxsadaa in qofku hamigiisa weyneeyo oo aanu wax yar ku qancin.
2. HAKA BAQAN GUULDARADDA
inta badan ganacsi abuurayaashu waxay ka baqaan inuu ganacsigu ka guuldareysto, sidaas darteed Naveen Jain wuxuu qofkasta oo jecel inuu shaqadiisa gaarka ah sameysto ku waaninayaa inaanu ka biqin guuldaradda ee uu wajaho.
3,GANACSIGU WAA SIDA DAGAALKA
Naveen Jain wuxuu inoo sheegay maruu qudbad jeedinayey inuu ganacsigu yahay sida dagaalka oo ay tahay inaad udiyaar garowdo jidh ahaan, maskax ahaan iyo caqiido ahaanba. Sidaad maskax ahaan diyaar unoqto  waa inaad wax badan ka akhrido waxaad ganacsiga ka sameyneyso.Sidaad jidh ahaan diyaar  ugu noqoto hawsha badan ee ganacsigaaga  waa inaad jimicsi sameyso subaxdii si aad saacado badan ushaqeyso.
4.DHAQAN GALI
Dhaqan galintu way ka awood badan tahay inaad fikir uun heyso waligaa. Naveen Jain wuxuu sheegayaa guusha ganacsiga ee uu gaadhey kumuu gaadhin qorshe kaliya laakiin wuxuu ku gaadhey dhaqan galin badan iyo ficil.

Mahadsanid Akhriste, lawadaag maqaalkan asxaabtaada.

No comments

Powered by Blogger.